Nin ka mid ahaa madaxda Hamaas oo lagu dilay Dubai, daawo video-ga

Feb 17, MogadishuTimes,
Mahmoud al-Mabhouh wuxuu ahaa Palastiini, wuxuuna ka mid ahaa ragii aas aasay Hamas qeybteeda military-ga ah ee dagaalka adag kula jirta Israel. Dowlada Israel iyo ciidamadeeda sirdoonka ee loo yaqaano Mossad ayaa ku daba jiray Mahmoud 20 sano sidii ay u dili lahaayeen. Waxay dhowr jeer ku sigeen oo uu ka badbaaday wadamada lebanon iyo Siiriya.
Waxay Israel u raadineysaa Mahmoud in uu ka dambeeyay, agaasimay, fuliyayna qorshe lagu soo afduubay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Israel oo dabadeed la dilay. Arintan ayaa dhacday 1980-kii waqti uu socday kacdoon looga soo horjeeday Israel.
20-ka sano ee Mahmoud la baadi goobayay wuxuu isku ilaalin jiray si weyn. Sida ay sheegeen qoyskiisa cunto kama cuni jirin diyaaradaha mana aadi jirin maqaayadaha iyo meelaha koofeyga laga cabo. Wuxuu ka baqi jiray in ay sumeeyaan sirdoonka Israel. Waxaa kaloo ay qoyskiisa sheegeen in uusan seexan jirin hotel leh balkony si aanan shiish loogu dilin ama aanan daaqada looga soo gelin. Wuxuu kireysan jiray floor-ka hoose ee hoteelada si aanan looga soo tuurin dabaqa sare.
Dhamaadkii Janaayo ayaa Mahmoud wuxuu ka soo degay Dubai, wuxuuna ku socday oo uu watay magac aanan kiisa ahayn. Waxaa kaloo la sheegay in aysan la socon waqtigaa wax ilaalo ah. Intii uusan imaan Dubia waxaa qorshihiisa la socotay qoladii dishay oo ay dadka badankiis ku sheegayaan sirdoonka Israel ee Mossad. Qoladan ayaa imaatay Dubia intii uusan Mohamoud soo gaarin Dubai, waxayna kireysteen qol u dhaw qolka uu sii carbuuntay.

Isku dar waxay ka koobnaayeen 11 qof oo ay mid dumar ahayd. Sida ay sheegeen booliiska Dubia waxay wateen baasabooro isugu jiray Ingiriis, Ireland, Jermany iyo Faransiis. Waxay kala deganaayeen dhowr qol, waxayna u yimaadeen wadanka qeyb qeyb. Booliiska Dubai ayaa dhamaantood wada xiriiriyey kadib markey fiirsadeen camerooyinkii hoteelka. Waxaa laga dhex arkay camerada hotelka iyagoo wada taagan Lobby-ga hoteelka iyo waxaa kaloo la arkey iyagoo kasoo qul qulaya qolka uu daganaa Mohmoud markey soo dileen.
Sida la rumeysan yahay waxay furteen qolkiisa waqti uu ku maqnaa banaanka. Waxay ku sugayeen qolkiisa ilaa uu ka soo laabto. Meydkiisa ayaa la helay dhowr maalmood ka dib waqti ay dhamaantood wadanka ka baxeen. Waxaa Mahmoud laga helay calaamado u eg in ay koronto uga qabteen xaniinyaha inta aysan dilin, taasoo ay dadka qaar qabaan in laga hadal siinayay inta aanan la dilin. Waxaa kaloo la rumeysan yahay in ay barkin madaxa ka saareen oo ay neefta ku celiyeen.
Booliiska Dubai ayaa helay dhamaan magacyada 11-ka qof, laakiin waxay dhamaan noqdeen baasbooro feek ah. Camerada waxaa ka muuqday in aysan rabin in la arko wajiyadooda, si ayayna isku dadbayeen. Haweeneysa ayaa la sheegay in ay wadatey wax u eg timo aanan kuweeda ahayn. Intii ay hotelka joogeen waxay iska dhigayeen in ay yihiin dad vacation ku jooga wadanka. Waxay wateen inta badan dharka lagu ciyaaro Tenniska iyo usha Teeniska.



