Friday, September 10, 2010
   
Text Size

admin@mogadishutimes.com

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)

 

 

 

 

Ref: Sharmoc1611009

Date:17 February 2010


 

Ujeeddo: Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha oo ka Dayriyey Xaaladda Ammaan Darida Muqdisho Cambaareyeyna Qarixii ay Ku Dhinteen Dadka Rayidka ah

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) Waxaa walaac ku abuuray Xaaladda Ammaan Darida ee ay muddaba kusoo jirtay Magaalada Muqdisho haatana kasii dareysa, xilli wax yeelo fara badan ay soo gaarayso dadka rayidka ah ee aaan ka mid ahayn dhinacyada Dagaalamaya.

Magaalada Muqdisho ayaa labadii toddobaad ee lasoo dhaafay Dagaalo iyo Qaraxyo isdaba joog ah ay hareeyeen waxaana tira koob uu sameeyey Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed ee (SHARMOC) soo baxday in dad ka badan 143 qof ay ku dhinteen, halkaa Dhaawacu uu gaaray 289 qof oo intooda badan ay rayid ahaaayeen Magaalada Muqdisho, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaaawacmaay ay waxyeeladu gaareysay xilli ay ku sugan yihiin goobo kala duwan sida Guryahooda,Goobahooda Ganacsiga, iyagoo socoto ah iyo meelo kalaba.

Waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay Xaafadaha iyo degaanada ay ka taliyaan Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Kooxaha Mucaaradka ah dad fara badan waxaana dadkaas loo dilayey tuhuno iyo Shakiyo ah in dhinac walba uu ku eedeynayey in uu ka tirsan yahay dhinaca kale, taasoo keentay in dadku ay ka barakacaan goobahaas si ay uga badbaadaan dilkaas aan kala sooca lahayn.

Suuqa Bakaaraha ee ah Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa ah mid dadku sii banaynayaan kadib markii uu Bartilmameed u noqday Madaafiicda looga jawaabayo hoobiyayaasha laga tuuro suuqaas gudihiisa xilliyo dadku ay ku mashquulsan yihiin ka adeegashada suuqa iyo sidoo kale ganacsatadu ay ku howlan yihiin gaanacsigooda.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed ee (Sharmoc), waxa uu cambaareynayaa Qaraxii dhaliyey waxyeelada soo gaartay dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan kaasoo ka dhacay banaanka hore ee Hotel Ammbasador ee Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxaas ku naafwaayey 6 qof oo shank amid ah ay ahayeen dad rayid ah, halka qofka lixaadna uu ahaa naftiis hurihii Qaraxa fuliyey, waxaana Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc uu ugu baaqayaa dhinacyada dagaalada ka wada Muqdisho in ay ka fogaadaan Goobaha Dadweynaha iyo Xarumaha Caafimaadka iyo Ganacsiga ee loogu adeego Bulshada u nugul dhibaatooyinka.

Ugu dambayntii Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Waxa uu ugu baaqayaa dhinacyada dagaalada ka wada dalka Somalia in ay joojiyaan dagaalada una turaan shacabka iyo dhibta soo gaareysa, waana in ay joojiyaan falalka dhanka Xuquuqda Aadanaha iyo Xuriyaadka Guud ee uu ilaaliyey Xeerka Caalamiga ah, Sharciga Islaamka iyo Dhaqanka suuban ee Somalidu.


Wabilaahi Towfiiq


Abdurahman Sheikh Hassan Gacal

Madaxa Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)

London, UK

Email. This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it , This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it



Music

Movies

Sport

toolbar powered by www.mit3xxx.de