Wasiirka Warfaafinta Dr. Daahir M. Geelle oo booqasho ku yimid magaalada Minneapolis

Mar 01, MogadishuTimes,
Waxaa xalay 7:30 PM, garoonka weyn ee magaalada Minneapolis ka soo degay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dr. Daahir Maxamuud Geelle iyo wafdi uu hogaaminayay. Waxaa halkaa kusoo dhaweeyay madaxda jaalliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota.
Markii Wasiirka laga soo qaaday airporka, waxaa la geeyay hoteel ku yaala bartanka magaalada halkaasoo loogu sameeyay casho sharaf. Kulankan casho sharafta ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda jaalliyada oo ay ugu horeeyeen aqoonyahanada, ardada, haweenka, dhaqanka, saraakiisha ciidamada qalabka sida, dhaqaatiirta, iyo ganacsatada gobolka.
Waxaa Wasiirka warbixin laga siiyay taariiqda jaalliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota. Waxaa loo sheegay horumarka ay jaalliyada tiigsatay xiligii ay ku sugnaayeen gobolka. Waxaa kaloo laga hadlay caqabadaha hortaagan jaalliyada.
Waxaa Wasiirka lagu wargeliyay in ay jaalliyada 100% taageersantahay dowlada uu Wasiirka ka yahay. Wasiirka oo isna halkaa ka hadlay ayaa tilmaayay sababta uu Mareykanka u yimid waqtigaan. Wuxuu sheegay in ay dowlada Mareykanka ay dib u eegeyso siyaasadeeda ku wajahan Soomaaliya. Wasiirka ayaa raba isagoo ku hadlaya magaca dowladiisa in ay culeys ku yeeshaan fikirkaa cusub ee ay dowlada Mareykanka ku eegeyso arimaha Soomaaliya.
Talada uu Wasiirka siiyay dowlada Mareykanka ayaa la filayaa in ay noqoto mid wax ka qaban doonta xaaladaha cakiran ee ka jira wadanka Soomaaliya gaar ahaan dadka masaakiinta ah ee ay sida tooska ah u saameyneyso dhibaatooyinka ka jira wadanka. Wuxuu Wasiirku ka hadli doonaa maalinta Talaadada Mar 02, Jaamacada Minnesota qeybta Humphrey Institute. Waxaa dadka lagu boorinayaa in ay kasoo qeyb galaan fadhigaas.
Wasiirka wuxuu ka warbixin doonaa xaalada wadanka maalinta talaadada ah, wuxuu kaloo soo bandhigi doonaa taariiqda Soomaaliya oo isugu jirta maqal iyo muuqaal. Wuxuu kaloo ka jawaabi doonaa su'aalaha ay dadka qabaan. Wasiirkan ayaa lagu sheegaa in uu yahay Wasiir inta badan wax dhageysta oo qaata fikirka dadka.



