Magaalada Minneapolis oo aabbo Soomaaliyeed u aqoonsatay aabbaha sanadka, daawo sawirada

Mar 06, MogadishuTimes,
Magaalada Minneapolis ayaa Yusuf Mohamed Hared u aqoonsatay aabbaha sanadka. Waxaa Yusuf Hared la gudoonsiiyay abaalmarinta ugu sareysa ee la siiyo waalidiinta. Yusuf waxaa abaalmarinta gudoonsiisay haweeney lagu magacaabo Bernadeia Johnson.
Bernadeia Johnson waa madaxa waxbarashada ee magaalada Minneapolis. Yusuf Hared waxaa loo aqoonsaday in uu yahay aabbe muujiyay karti dheer iyo dulqaad badan. Waxaa dugsiyada sare ee magaalada Minneapolis ka qalinjebiyay dhamaan caruurtiisa, intooda badana waxay ku guuleysteen in ay dhameeyaan waxbarashada jaamacada. Yusuf Hared waa aabbe caruurtiisa korsaday kaligiis ama dadka qaar u yaqaanaan "Single-father".
Magaaladu waxay u dabaaldegtay dadaalka, kartida iyo dulqaadka uu muujiyay Yusuf Hared, waxaana waalidiinta kale laga codsaday in ay ku daysadaan Yusuf Hared. Aabbahan Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay dowlada Mareykanka oo isaga iyo caruurtiisa ka soo qaaday Afrika dabadeedna siisay waxbarasho bilaash ah. Wuxuu kaloo u mahadceliyay madaxda, macalimiinta iyo shaqaalaha iskuulada Minneapolis oo uu ku sheegay in ay garab qabteen caruurtiisa.
Waxaa xaflada ka soo qaybgalay madaxda wasaarada waxbarashada ee gobolka, madaxda jaaliyada Soomaalida ee Minnesota, caruurta uu Yusuf Hared dhalay iyo caruurta ay sii dhaleen, saaxiibadiis iyo Soomaali kale oo badan.



