Thursday, September 09, 2010
   
Text Size

War helaa talo hela

Xaruntii ugu weyneyd ee caafimaad oo laga furay Minnesota, daawo sawirada, July 02

 

 

 



Waxaa shalay magaalada Minneapolis ka dhacday xaflad xariga looga jaray xaruntii ugu weyneyd ee caafimaad ee ay leeyihiin Soomaali. Waxaa iskaleh dhaqaatiir Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Community-ga Soomaalida ee Minnesota. Waxaa xaflada ka soo qaybgalay oo lagu casuumay shirkado badan oo Soomaali ah iyo kuwo Mareykan ah oo dhamaantood ka ganacsada hawlaha caafimaadka.

Waxaa xarunta lagu magacaabaa CEDAR LAKE CLINIC, wuxuuna ku yaala isgoyska Cedar iyo Lake. Wuxuu noqon doonaa xarunta ugu weyn ee lagu daaweeyo dadka Soomaalida ah. Wuxuu kaloo noqonayaa xarunta kaliya ee aad ka heli kartaan hawlaha Dentalka. Waxay sameynayaan oo ay ku taqasuseen sameynta iyo daaweynta ilkaha.

Waxyaabaha kale ee aad ka heli karto waxaa ka mid ah: Adult Care, Chronic Disease Management, Pediatric Care, Diabetes Programs, Womes’s Health Care, Pre and Post Natal Care, Internal Medicine, Laboratory, Travel Clinic, Adult/Teen and Child Check Up, Behavioral Health, Social Services, Weight and Diet Management, Dental and Oral Care, and Translation Services.

Rugtan caafimaad waxaad ka heli kartaan dhaqaatiir Soomaali, Afrikan, iyo Mareykanba. Waxay yaqaanaan oo ay xirfad dheer u leeyihiin dhaqanka, arimaha caafimaadka iyo taariikhda dadka Soomaalida. Waxaa ku soo dhaweynaya oo ka shaqeynaya rugta, shaqaale tababaran oo xirfad dheer u leh arimaha caafimaadka.

Waxaa si rasmi ah loo furayaa xarunta Talaadada July 05-2010. Sameyso Balan oo wac 612.276-1000. Address-ka xarunta waa 1831 E. Lake St. Minneapolis, MN 55406.

612.276-1000

Music

Movies

Sport

toolbar powered by www.mit3xxx.de