Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalla oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Minnesota, daaw sawirada
Waxaa shalay gobolka Minnesota si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla. Waxay Caasha ku jirtaa xildhibaanada ugu caansan baarlamaanka Soomaaliya.
Waxay ku caanbaxday oo lagu yaqaanaa sida geesinimada leh ee ay u difaacdo dalkeeda iyo dadka aanan codka lahayn sida caruurta, haweenka iyo waayeelka. Xildhibaan Caasha Axmed kama daasho-kamana cabsato in ay ka hadasho, una hadasho dadkeeda iyo dalkeedaba.
Soo dhaweynta loo sameeyay, waxaa ka muuqatay in looga mahadcelinayay go’aanadeedii ay qaadatay intii ay xildhibaanka ahayd ee ay ku difaaceysay dalkeeda iyo dadkeedaba. Waxaa loo tiriyay gabayo iyo heeso oo dhamaantood lagu amaanayay looguna duceeynayay xildhibaanada.
Waxaa xaflada ka soo qaybgalay madaxda Soomaalida ee gobolka. Waxaa kaloo ka soo qaybgalay dadweyne aad u farabadan. Markii Caasha lagu soo dhaweeyay microphone-ka, waxay qiratay in ay la qashuucday, kuna faraxday sida walaaltinimada leh ee loo soo dhaweeyay.
Waxay isla markiiba ka hadashay oo ay gudaha u gashay dhibaatooyinka wadanka ka jira iyo sida looga bixi karo. Waxay tilmaantay in dhibaatada looga bixi karo oo kaliya, marka ay Soomaalida gacmaha is qabsadaan oo ay go’aansadaan in ay nabadeeyaan wadankooda. Waxay eedeysay oo ka hadashay ciidamada Amisom. Waxay ku eedeysay in ay dadka ku xasuuqaan Muqdisho. Caasho waxay rajo weyn ka muujisay in laga bixi doono dhibaatooyinka iyo dagaalada naafeeyay wadanka.



