Prof. Gaandi ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay gobolka Minnesota, daawo sawirada
Waxaa shalay gobolka Minnesota si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Prof. Maxamed Cabdi Xaaji (Gaandi). Prof. Gaandi wuxuu ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga. Intii uu ahaa Wasiirka Gaashaandhiga, wuxuu qayb-weyn ka qaatay dhismaha ciidamada qaranka.
Wuxuu Prof-ka ku guuleystay in uu mideeyo labadii ciidan ee mudada dheer dagaalamayay ee Maxkamadaha iyo ciidamadii dowlada ee uu madaxda u ahaa Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf. Waxaa xaflada soo dhaweynta ka soo qaybgalay oo soo dhaweeyay Prof. Gaandi madaxda gobolka Minnesota ee ay ka midka yihiin Eng. Cabdullahi Cilmooge Xirsi, Saciid Faahiye, Ibrahim Abikar iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa xaflada si weyn uga dhex muuqday saraakiishii hore ee ciidamadii qalabka siday. Waxay Prof-ka, ku amaaneen sidii uu uga shaqeeyay in la dhiso ciidamo qaran ee nabadeeya wadanka. Waxaa goobta ka heestay fanaanada qaranka ee Saado Cali Warsame. Heesihii ay qaaday Saado oo xuray hall-ka waxaa ka mid ahaa Ogaden way xoroobi. Saado waxay ku celcelisay in aysan dooneyn wax ka yar Soomaaliya iyo Soomaali.
Prof. Gaandi ayaa ka hadlay heerarka ay soo martay xaalada soomaaliya gaar ahaan dib-u-heshiinta iyo nabadeynta. Wuxuu kaloo sheegay in sida ugu sahlan ee wadanka lagu nabadeyn karo ay tahay in nabada laga soo bilaabo heer deegaaneed. Wuxuu si gaar ah uga hadlay gobolada Jubbooyinka. Wuxuu tilmaamay in Jubbooyinka loo sameeyo maamul. Dib-u-heshiisiinta iyo maamulada heerka hoose ayuu Prof-ka ku sheegay in ay soo dedejinayso nabada guud ee wadanka. Nabada ka jirta Somaliland iyo Puntland ayuu ku tilmaamay in ay ka dambeysay maamulada ka jira deegaanadaas.
Dadka kasoo qaybgalay xaflada ayaa u muuqday kuwo la dhacay hadalkii iyo fikradihii Prof-ka. Waxaa Prof-ka la weydiiyay su’aalo badan. Su’aalihii la weydiiyay, waxaa ka mid ahaa: “Meeqa sano ayaa ka harsan in ay Soomaaliya nabadowdo oo sideedii hore ku soo noqoto qiyaastaada.” Wuxuu Prof. Gaandi uga jawaabay “Ilaaheey oo kaliya ayaa sheegi kara."
Wixii ku saabsan aqbaaraadka Prof. Gaandi fadlan kala xiriir Gudoomiyaha gudiga soo dhaweynta Eng/Col. Cabdullahi Cilmooge Xirsi 612.232-3750



