Minnesota oo soo dhaweysay Xildhibaan Faduma Cabdullahi Maxamed, daawo sawirada, July 18

Waxaa xalay gobolka Minnesota si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Faduma Cabdullahi Maxamed (Insaniye). Waxaa xaflada soo dhaweynta Xildhibaanada ka soo qaybgalay madaxda Soomaalida ee gobolka Minnesota iyo marti-sharaf kale oo badan.
Xildhibaanada waxay ka mid ahayd wafdi ka socday dowlada ee kulamo la qaatay dowlada Mareykanka iyo United Nation-ka. Waxaa laga hadlay oo lagu amaanay sida geesinimada leh ee ay uga tagtay America uguna noqotay wadankeeda si ay wax uga qabato dhibaatooyinka haysta dadkeeda iyo dalkeedaba.
Xildhibaan Faduma waxaa looga mahadceliyay shaqada ay u hayso dadka ku dhibaateeysan wadanka. Hall-ka lagu qabtay xaflada oo ahaa hall aad u weyn ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay dad badan oo rabay in ay arkaan xildhibaanada.



