Ururka NSUM oo shir balaaran ku qabtay gobolka Minnesota, daawo sawirada, July 20
Gobolka Minnesota waxaa ka dhacay shir balaaran oo ay ka soo qayb-galeen dadweyne farabadan. Waxaa shirka soo abaabulay ururka weyn ee NSUM. Waxaa marti geliyay kulanka madaxda ururka ee gobolka Minnesota iyo community-ga Soomaalida ee Minnesota.
Waxaa ka soo qayb galay madaxda Community-ga ee gobolka, aqoonyahano, abwaano iyo dadweyne farabadan. Waxaa kaloo kulanka ka soo qeyb gashay oo ka hadashay fanaanada qaranka ee Saadi Cali Warsame. Hadaladeeda ayaa dadkii dhageysanayay qashuuniyay. Waxay ka hadashay baahida loo qabo midnimada iyo mideynta Soomaalida. Waxay kaloo ka hadashay oo ay tilmaantay cadowga dadka iyo dalkaba. Waxay wax laga xumaado ku tilmaantay in cadawgaas uu hadda sheeganayo in uu mideynayo, heshiisiinayana dadkeena.
Ururka wuxuu soo bandhigay fikradihiisa. Waxay ka hadleen oo ay ku fogaadeen qiimaha ay leedahay midnimada dadka iyo dalkaba. Waxaa laga hadlay taariikhda hodanka ah ee ay leeyihiin dadka Soomaalida. Waxaa kaloo laga hadlay oo dadka la xasuusiyay taariikhda geesiyadii naftooda u huray midnimada iyo mideynta Soomaalida.
Dadweyne farabadan ayaa ka soo qeyb galay shirka. Waxay ka kala yimaadeen gobolo badan oo Mareykanka ah. Waxaa kaloo laga yimid ilaa iyo Canada. Dadkaas Soomaalida ah, waxay ka kala yimaadeen oo ay ku abtirsadaan dhamaan gobolada ay ka koobantahay Soomaaliya. Shirka wuxuu ku soo dhamaaday jawi fiican. Waxaa dadka wejiyadooda ka muuqday shacuur wadaninimo, waxayna u ekaayaan kuwo ku qancay fikradihii loo soo bandhigay.



