Thursday, September 09, 2010
   
Text Size

War helaa talo hela

Doorka ay suugaanta Soomaalida ku leedahay nabada, daawo sawirada, July 21

 

 



Waxaa gobolka Minnesota lagu soo bandhigay, bandhig suugaaneed loogu magacdaray suugaanta iyo nabada. Waxaa soo diyaariyay golaha Meertada aqooneed ee afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Golahan waxaa ku bahoobay abwaano, aqoonyahano iyo indheer-garad ku taqasusay suugaanta iyo taariikhda Soomaalida. Waxaa bandhiga lagu qabtay Jaamacada weyn ee University of Minnesota.

Bandhigan waxaa la dhigaa sanad walba. Sanadkan waxaa looga hadlay doorka ay nabada ku leedahay suugaanta iyo taariikhda Soomaalida. Waxaa masraxa laga cadeeyay oo ay dadkii fiirsanayay ku qanceen in taariikhda iyo sugaanta Soomaalidu tahay mid nabadeed. Waxaa lagu celceliyay dhaqanka Soomaalida waa mid nabadeed. Nabaduna waxay qeyb ka tahay dhaqanka faca-weyn ee Soomaaliyeed.

Waxaa la soo bandhigay gabayo, heeso, iyo sheekooyin gaagaaban oo ku saabsan suugaanta sida weyn loo qadariyo ee Soomaalida. Abwaanada ka qeyb-qaadanayay bandhigan suugaaneed waxay isugu jireen abwaano caan ah oo aduunka laga yaqaano sida Siciid Saalax iyo jiilka cusub ee diyaarka u ah in ay la wareegaan kobcinta suugaanta Soomaalida.

Waxaa kaloo bandhiga ka qeyb-qaadanayay abwaano iyo aqoonyahano ay ka mid yihiin Cabdinasir Dhagadheere, Dr. Saadiq Eenow, Young Achievers, Ka Joog, Mukhtaar, Zuhuur, Saalax Xaashi, Cabdi Maxamuud Saleebaan, Cabdirishiid Maxamed Faarax, Mowliid, Raxma Ruuxi, iyo Xaawo Xasan.

Music

Movies

Sport

toolbar powered by www.mit3xxx.de