Thursday, September 09, 2010
   
Text Size

War helaa talo hela

Caruur baabuur dhaqeysa si ay carwo u aadaan, daawo sawirada, July 26

 

 

 



Waxaan shalay xaafada Cedar ee ay Soomaalida u badan tahay ku soo arkay caruur Soomaaliyeed oo wadada taagan oo haysta calaamado waaweyn oo leh baabuurka bilaash baan kuugu dhaqeynaa. Calaamada dhinaceeda kale waxaa ku qoran fadlan ku tabaruuc $5.

Caruurta waxay rabaan in ay aadaan carwada caanka ah ee Valley Fair-ka. Intooda badan weligood ma aadin carwada. Ilmaha degan gobolka Minnesota cadaan, madaw iyo Soomaaliba waxay u tahay meel ay marwalba ka sheekeeyaan oo ay ku riyoodaan.

Lacagta ay caruurtan Soomaaliyeed u baahanyihiin si ay u aadaan carwada waa $500. Waxaa caruurta hawshan kala qeybqaadanaya Abdirahman Mukhtar oo ah Youth Program Manager-ka ee Pillsbury United Communities.

Abdirahman waa ninka ka dhex muuqda sawirka ee caruurta baabuurta la dhaqaya. Wuxuu ii sheegay in ay maalintaas caruurta dhaqeen 42 baabuur. Waxay aruuriyeen lacag gaareysa $300. Waxaa ka dhiman $200.

Caruurta waxay u ekaayeen in ay daalanaayeen, laakiin waxaa kaloo wejiyadooda ka muuqday farxad badan. Waxay ku faraxsanaayeen in ay u dhawaanayaan goolkooda. Haddii aad rabto in aad ka farxiso caruurtan Soomaalida ah ee xayiga ah ee shaqeysanaya fadlan la xiriir Abdirahman Mukhtar ama hay’ada uu u shaqeeyo.

612.987-6269

612.876-9300

Music

Movies

Sport

toolbar powered by www.mit3xxx.de