Hobolada Waaberi oo ku kulmay Minnesota, daawo sawirada, July 28
Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota isugu yimid qaar ka mid ah hoboladii caanka ahaa ee Waaberi. Waa markii ugu horeysay sidii uu wadanka u burburay ee fanaaniin intaa la eg oo caan ah ay isugu yimaadaan wadanka dibadiisa ama gudihiisaba.
Fanaaniintii isku timid waxaa ka mid ahaa Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal, Saado Cali Warsame, Abwaan Saciid Saalax, Hibo Nuura, Ikar Jeesto, Cadar Kaahin, Sahro Siyaad iyo fanaaniin kale. Waxay fanaaniinta dadka Soomaalida meel walba oo ay joogaan u direen baaq nabadeed.
Si wada jir ah ayay u muujiyeen sida ay uga xunyihiin dagaalada wadankooda ka socda 20-ka sano. Waxay kaloo sheegeen sida ay uga danqanayaan dhibaatada haysata dadkooda 20-ka sano.
Kooxaha siyaasada isku haysta ayay kula taliyeen in ay qoryaha dhigaan oo ay wada hadlaan. Waxay ku celceliyeen in ay daaleen oo ay rabaan in ay wadankooda ku noqdaan.



