Maalinta Afka Hooyo oo laga xusay Minnesota
Soomaalida degan gobolka Minnesota ayaa xustay maalinta Afka Hooyo ee caalamiga ah. Xaflada xuska waxay ka dhacday jaamacada weyn ee University of Minnesota.
Waxaa kasoo qeyb-galay aqoonyahano iyo ardada wax ka barata jaamacadaha gobolka Minnesota. Waxaa laga sheekeeyay heerarka iyo taariikhda ay soo martay qoritaanka afka Soomaaliga.
Aqoonyahan Ahmed I. Yusuf ayaa ka sheekeeyay taariikhda afka Soomaaliga. Waxay bilaabatay sida uu sheegay taariikh yahanka bilawgii 1900.
Afka Soomaaliga waqtiyadii hore waxaa la isku dayay in loo qoro dhowr siyaabood. Markii hore farta carabiga ayaa la Soomaaliyeeyay. Wax yar ka dib 1930-kii afka Soomaalida Baraawe ayaa haddana lagu qoray. Aqoonyahano kale ayaa marwalba wax yar ka qorayay afka Soomaaliga ilaa laga soo gaaro waqtigii ol-olaha afka Soomaaliga oo la dhameystiray.
Soomaalida 2% ayaa taqaanay sida wax loo qoro intii uusan ol-olaha bilaaban. Bilawga 1973-dii, Soomaalida wax qortay waxay gaartay 74%. Ol-olaha afka Soomaaliga waxaa ka qeyb-galay macallimiinta iskoolada iyo ardada ay da-dooda ka weyntahay 15.
Abdi M. Suleymaan oo ka hadlay xaflada wuxuu waqtigaa jiray 15. Wuxuu ku jiray ardadii baadiyaha loo diray ee qoraalka afka Soomaaliga bartay reer miyiga. Abdi waxaa dhageysanayay dhalinyaro yar yar oo intooda badan kusoo kortay Mareykanka. Aad ayay uga heleen taariikhda uu ka sheekeeyay iyo wixii isaga uu kala kulmay baadiyaha.
Waxaa kale oo ka hadlay kulanka abwaanka Siciid Salax Axmed. Wuxuu abwaanka ka hadlay sida ol-olaha afka uu wax uga badalay dhaqanka Soomaalida. Alaabaha casriga ah ee laga isticmaalo magaalooyinka ayuu sheegay in la geeyay baadiyaha sida raadiyeyaasha iyo wixii la midka ah. Waxaa alaabta geeyay oo watay ardadii ka tagtay magaalada ee la geeyay baadiyaha si ay reer baadiyaha wax u baraan. Wuxuu arintaa ku tilmaamay iftiinka aqoonta.
Abwaanka wuxuu sheegay 1973-gii in ay Soomaaliya ku guuleysatay bilad caalami ah. Waxay ku guuleysatay bilada literacy.






















