Sunday, May 19, 2013
   
Text Size

Prof. Jawaari oo laga taageeray gobolka Minnesota

Xaflad lagu taageerayo gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa lagu qabtay gobolka Minnesota. Waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa laga hadlay taariikhda Prof. Jawaari gaar ahaan qibrada uu u leeyahay howlaha maamulka dowlada. Waxaa la isku raacay in uu yahay nin kasoo bixi kara mas’uuliyada loo dhiibtay.

Prof. Jawaari wuxuu dhawaan ku guuleystay doorashada gudoomiyaha baarlamaanka. Waa doorashadii ugu horeysay ee nooceeda ah ee dhacda 40 sano ka badan.

Prof. Jaawaari waa aqoonyahan. Wuxuu jagooyin kala duwan kasoo qabtay dowladii Kacaanka. Wuxuu gudoomiye u ahaa gudigii qoray dastuurka cusub ee Soomaaliya.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg