Macallin Xiito oo la sagootiyay
Xaflad lagu sagootinayay Macallin Xiito ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis. Waxaa kasoo qeybgalay ardadii uu waxbarayay iyo waalidiintooda.
Macallin Xiito si weyn ayaa looga yaqaanaa gobolka Minnesota. Arday badan oo uu waxbaray ayaa ka qalinjebiya iskoolada iyo jaamacadaha Minnesota sanad walba.
Mudo dheer ayuu macallin ka ahaa Minnesota. Wuxuu u guurayaa magaalada San Diego. Aad ayaa looga xumaaday go’aanka macallinka. Waalidiin badan ayaa ka wel welsan waxbarashada caruurtooda iyo meesha ay geyn doonaan.
Macallin Xiito wuxuu sheegay in uu weli waxbarayo ardada. Wuxuu tilmaamay in uu daruusta ku bixin doono online. Qaab casri ah ayaa daruusta loo qaadanayaa.
Macallinka dib ayuu ugu noqonayaa waxbarashada. Sababtaas ayaa keentay in uu u guuro San Diego.





















