Soomaali ganacsigooda lagu abaalmariyay
Soomaali ganacsigooda ka gaaray meel sare ayaa xalay xaflad loogu sameeyay magaalada Minneapolis. Waxaa lagu abaalmariyay shaqadooda.
Soomaalida la abaalmariyay waxay kala ahaayeen Sheikhnur Yusuf iyo xaaskiisa Run Muhumed, Bashir Shafi iyo xaaskiisa Abshiro Mohamed iyo Jamal Hussein. Waxay ganacsiga ay ku jireen oo loo yaqaan Quick Star ay ka gaareen Platinum.
Ali Yusuf oo horjooge u ah kooxda ay ku jiraan Soomaalidan, ayaa ii sheegay in uu heerkan u dhigmo marka laga eego dhanka lacagta, qof haysta shahaado jaamacadeed. Waxay qaadanayaan sanadkii lacag lagu qiyaasay $42,000. Ali wuxuu gaaray Emerald oo ah heerarka ugu sar sareeya. Wuxuu qaataa sanadkii $150,000.
Barnaamijka Quick Star Soomaali badan ayaa taqaana. Dad badan ayaa soo galay haddana ka baxay markii ay heli waayeen lacag dag dag ah. Sidaas kuma shaqeeyo. Quick Star waa ganacsi la mid ah ganacsiyada kale, sida dukaamada iyo maqaayadaha. Waa inaad waqti gelisaa oo aad dhisataa macaamiil wax kaa gadata. Marka ay bataan macaamiishaada waxaa badanaya lacagtaada. Ganacsi walba waa sidaas.
Quick Star wuxuu ganacsiyada kale kaga duwanyahay waxaa lagu siinayaa tababaro iyo support aadan ka helayn ganacsiyada kale. Waxay dadka baraan qaabka ugu fiican ee aad ku balaarin karto ganacsigaada.
Tababarada ay bixiyaan waxaan markiiba ka dareemay dadkii aan ku arkay xaflada. Waxaan arkay niman iyo xaasaskooda iska dhinac hadlaya oo sharaxaya ganacsigooda. Inta badan arimahaas kuma arkeysid ganacsiyada kale. Waxaa wejiyadooda ka muuqatay in ay ku faraxsanyihiin in ay iska dhinac hadlaan oo ay shaqada wada qeybsadaan. Arintan ma’aha wax iska yimid, waa wax lagu tababaray.
Haddii aad dooneyso in aad hesho lacag deg deg ah oo aadan shaqo gelin, ganacsigan ma’aha ganacsigaada.





















