Hargabka: Waxaad u baahan tahay inaad ogaato

Hargabku waa cudur saameeya dad da' kasta leh adduunka oo idil. Calaamadaha ayaa isugu jira kuwo sahlan illaa kuwo daran, oo waa arrin weyn oo caafimaad oo ka jirta adduunka oo idil. Qof kasta ayaa gacan ka geysan kara la dagaallanka faafka hargabka sannadka kasta iyada oo la iska tallaalo. Tallaalka ayaa waliba ka mid ah siyaabaha ugu fiican ee lagu yareeyo suurtogalka lagu bukoodo.
Waa maxay hargabku?
Hargabku waa cudur u sababo fayraska ku dhaca sanka, dhuunta, iyo sambbabada. Dadka inta ugu badan ayaa hargabka qaada bilaha qabow, ka bilow Oktoober illaa gugu dhammaanayo. Hargabka waxa lagu faafin karaa hawada markay dadka qabka fayrasku qufacaan ama hindhisaan, ama qofka ayuu cudurku ku dhici karaa marka uu taabto dusha meesha leh fayraska kadibna ay taabtaan afkooda ama indhahooda.
Ayaa qaada hargabka?
Qof kasta ayaa qaadi kara hargabka! Laakiin, dadka qaarkood ayaa u badan inay si daran ugu bukoodaan hargabka. Dadka halista ugu sarreysa u leh waxa ka mid ah: carruurta da'da yar, dadka da'da 65 sano ah iyo kuwa ka weyn, haweenka uurka leh, iyo dadka horayba u lahaa cudurka oof-wareenka, neefta, cudurka sambbabka joogtada ah, HIV, wadno xanuunka iyo sonkorta.
Waa maxay astaamaha iyo calaamadaha hargabku?
Calaamadaha hargabka waxa ka mid ah dhuun xanuun, sanka oo dareera, iyo qufac. Dadka qaba hargabka ayaa waliba aad u dareema daallanaan oo laga yaabaa inay yeeshaan qandho, qadhqadhyo iyo jidh xanuun. Carruurta u hayo hargabku ayaa laga yaabaa inay yeeshaan calaamado ka duwan kuwa dadka qaan-gaarka ah, sida shubanka iyo matagga iyaga oo ay u weheliyaan calaamadaha kale. Calaamadaha hargabka ayaa si lama filaan ah loo yeeshaa.
Sidee hargabka loo daweeyaa?
Inta ugu badan, hargabka guriga dhexdiisa ayaa lagu dawayn karaa. Waa muhiim in la nasto oo la cabbo biyo badan. Guriga joog markaad bukto iyo illaa 24 saacadood kadib markay qandhadu kaa tagto si aadan ugu faafin hargabka dadka kale. Mararka qaarkood hargabka ayaa darnaan kara. Haddii ay qof neefsashadu ku adkaato, wareer ama jahawareer u dareemo ama laabta ama calooshu xanuunto waa inuu qofkaasi isbitaalka tagaa. Xaaladaha qaarkood ayaa laga yaabaa waliba inay dhakhaatiirtu ku siiyaan dawo si ay uga caawiyaan jirkaagu inuu la dagaallamo fayraska.
Sideen uga hortagi karaa hargabka?
Dariiqa ugu muhiimsan ee looga hortago hargabka waa iyada oo la is tallaalo! Qof kasta oo 6 bilood iyo intii ka weyn ah ayaa waajib ah inay qaataan tallaalka hargabka sannad kasta. Tallaalka hargabka ayaa yareeya fursadaha aad ku qaadeyso hargabka. Tallaalka ayaa laga yaabaa in lagaa siiyo durid gacanta ah
ama ku buufin sanka ah. Kala hadal dhakhtarkaaga haddi aad xasaasiyad (alerji) u leedahay ukunta ama aad horay aad ugu yeelatay falcelin tallaalka. Maadaama ay soo dhawaaneyso xilligii hargabku, waa muhiim inaad hadda iska tallaasho!
Siyaabaha kale ee la iskaga ilaaliyo in la bukoodo waxa ka mid ah:
• Gacmahaaga ku dhaq had iyo jeer saabuun iyo biyo, am nadiifiye leh aalkolo.
• Iska ilaali taabashada indhahaaga, sankaaga iyo afkaaga.
• Iska ilaali la dhaqanka ku dhawaadka leh dadka xanuunsanya, hadday suurtagal tahay.
Si aad u hesho rug caafimaad durid tallaal oo kugu dhow, weydii bixiyahaaga daryeel caafimaad ama booqo rugtayada internetka www.mdhflu.com oo guji “Find a Flu Shot Clinic.”





















