Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo is dhiibay
Ciidamo lagu qiyaasay 200 oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa isu soo dhiibay ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada. Ciidamadan waxay joogeen oo ay ka dagaalamayeen Garsale oo wax yar u jirta magaalada Jowhar.
Ciidamada is dhiibay waxay u badnaayeen dad beero falato ah oo deganaa degaanka oo ay Al Shabaab ku qasbeen in ay dagaalada galaan.





















