Wednesday, May 22, 2013
   
Text Size

St. Paul city oo dhaarisay police officer-kii ugu horeeyay oo Somali-American ah

Photos: Ilyaas Maow/Mogadishu Times.


Waxaa xalay magaalada St. paul lagu dhaariyay officer Garaad Sahal. Wuxuu noqday police officer-kii ugu horeeyay taariikhda ee Somali-American ah oo ka mid noqda St. paul police.

Waxaa xaflada dhaarinta officer Garaad kasoo qeybgalay madaxda magaalada St. paul, madaxda police-ka St. paul, madaxda jaaliyada Soomaalida iyo dhamaan officerada Soomaalida ah ee ka mid ah Minneapolis police oo gaarayay ilaa iyo 5 officer.

Si weyn ayay Soomaalida ugu farxeen in ay arkaan Soomaaligii ugu horeeyay ee ka mid noqda St. paul police. Waxaa aad looga hadlayay taariikhda ay xambaarsaneyd dhaarta habeenkaas.

Soomaalida degan magaalooyinka lagu sheego in ay yihiin mataanaha, waxay ku badan yihiin magaalada Minneapolis. Inta badan officerada Soomaalida waxay doorbidaan in ay ka shaqeeyaan Minneapolis.

Waxaa la tilmaamay in St. paul police ay weli raadinayaan officero Soomaali ah.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg