Xildhibaan Yusuf Hassan oo looga mahadceliyay shaqada uu dadka u hayo
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay xildhibaan Yusuf Hassan ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis. Yusuf Hassan wuxuu xildhibaan ka yahay baarlamaanka Kenya.
Xaflada waxaa ka soo qeybgalay madaxda jaaliyada Soomaalida, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka gobolka Minnesota iyo marti sharaf kale. Dadkii ka hadlay goobta waxay ahaayeen dad aqoon dheer u leh xildhibaanka. Waxaa waqti badan laga hadlayay wax qabadkiisa, dadnimadiisa iyo geesinimadiisa.
Waxaa la isku raacay waqtigii yaraa ee uu xildhibaanka ahaa in uu qabtay hawlo badan oo isbadal ku sameeyay xaafada ay ku badan tahay Soomaalida ee Eastleigh ee uu matalo. Waxaa la tilmaamay in ay yaraatay dadkii la iska xiranayay ee lacagta laga qaadan jiray.
Ugu dambeyntii waxaa hadlay Yusuf Hassan. Wuxuu aad uga mahadceliyay sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay gobolka Minnesota. Wuxuu tilmaamay in ay Minnesota tahay gurigiisa labaad. Wuxuu Yusuf sheegay in Minnesota si weyn looga taageeray waqtigii uu u tartamayay kursiga uu hadda ku fadhiyo.
Yusuf wuxuu sheegay in uu wax ka qabtay wadooyinkii burbursanaa ee xaafada eastleigh. Wuxuu kaloo tilmaamay in nalal la geliyay xaafadaas habeenkii sidaa daraadeedna ay yaraatay dhacii iyo boobkii. Yusuf wuxuu kaloo sheegay in uu dadaal badan u galay in aanan dadka lagu dhibaateyn dagaalka lagula jiro argagixisada.
Xildhibaanka wuxuu dadka xasuusiyay in xildhibaanadii ka horeeyay ay baarlamaanka hortiisa ka hadleen 50 jeer mudo ka badan 5 sano. Yusuf wuxuu baarlamaanka ku jiraa hal sano wuxuuna hadlay 200 oo jeer. Taas waxay cadeyn u tahay shaqada iyo mas’uuliyada uu u hayo dadka uu matalo.





















