Friday, May 24, 2013
   
Text Size

Xarun cusub oo albaabada loo furay


Oktoobar 4, 2012, ayay ahayd munaasabad lagu furay Xaruunta Cusub ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis John B. Davis Education & Service Center. Xafladda furitaanka xaruunta cusub ee Dugsiyada Minneapolis ayaa waxaa ka soo qayb galay waalidka, madax bulsho iyo meherado kala duwan, isla markaasna muusig dabacsan ay ku soo dhaweeyeen ardayda Dugsiyada sare ee North High, Henry High, South High iyo Washburn High school oo iyagu bulshada ku soo dhawaynayey muusig dabacsan ee kala duwan sida jaas, heeso, durbaanka noocyadiisa kala duwan.

Munaasabadda ayaa waxaa furay Steve Liss, Lataliyaha Guud oo isagu tilmaamay sidii uu ku bilawday qorshaha cusub ee lagu dhisay xaruunta Davis Center, isla markaasna u mahad celiyey shirkadihii, bulshada kala duwan iyo taageerayaashii dhismahan cusub ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis oo si casriya loo dhisay, loogu fara yaraystay, loona qalabeeyey.

Bishop Richard D. Howell oo ah wadaad masiixi ah ayaa sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay in Davis Center laga dhiso Woqooyiga Minneapolis iyo sida ay u kaabayso bulshada woqooyiga Minneapolis iyo guud ahaan magaalada, una mahad celiyey Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis, Golaha Waxbarashada iyo Hoggaanka Dugsiyadaba.

CPT Samuel Andrews, SFC Rick Babineau, SSG Christian Binsfeld ayaa guddoonsiiyey Dr. Johnson, Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis hadiyad ka kooban Shahaado sharaf iyo calanka Dawladda Maraykanka oo ay ka sideen Ciidammada loo yaqaan National Guard.

Don Samuel oo isna ku hadlay magaca Duqa Magaalada Minneapolis, R.T. Rybak ayaa tilmaamay muhiimadda iyo ahmiyadda ay leedahay in xaruunta cusub ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis laga dhiso woqooyiga Minneapolis.

Alberto Monserrate, ahna Xubin ka tirsan Guddoonka Waxbarashada Minneapolis ayaa isna sidoo kale faah-faahiyey sababihii dhaliyey dhismaha xaruunta iyo muhiimadda ay u leedahay ardayda, waalidka, shaqaalaha iyo bulshada Minneapolis.

David Mortenson, Fuliye Sare ee Shirkadda Morterson ayaa ugu horrayntii u mahad celiyey Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis fursadii shaqo ee ay shirkadooda siiyeen, isla markaasna ku nuux nuuxsaday inuu fuliyey ballanka la xiriiray in dhismaha laga qayb geliyo dadka laga tiro badan yahay iyo meheradaha haweenku leeyihiin. David ayaa guddoonsiiyey shahaado mahad-naq miiska la saaro Dr. Johnson, Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis.

Ugu dambayntii Dr. Johnson, Kormeeraha Guud ee Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis ayaa u mahad celisay marti-sharaftii kala duwan ee isugu jirtay, waalid, arday, madaxda magaalada, guddoonka waxbarashada, shaqaalaha DDM iyo jiiraanka, isla markaasna aad ugu nuux nuuxsatay sida uu dhismahani u taami karo shaqada waxbarashada iyo guud ahaan bilicda Minneapolis. Dr. Johnson ayaa aad u ammaantay qaabka iyo hindisaha loo dhisay dhismahani, iyo si uu ula jaan qaadi karo baahida loo qabo dhisme ka caaggan ama beekhaamiya isticmaalka tamarta badan, isla markaasna leh nafis ku filan shaqaale afar dhisme oo kala duwan ka kala shaqaynayey, haddase dhismahani sahlayo geeddi socodka hawl fulinta waxbaridda ardaydeenna. Xafladdaasi ayaa lagu qiyaasay inay ka soo qayb galeen arday, madax, waalid, iyo shaqaale gaaraya ilaa 250-300 qof. Ugu dambayntiina waxaa xarigga si rasmi ah looga jaray furitaankii xafiiska cusub ee Davis Center iyadoo ay goob jog ka ahayd haweenaydii uu ka dhintay, odaygeedana dhismaha loogu magic daray.

 

Mahadsanid,

Minneapolis, October 4, 2012

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg