Sawiradii ugu horeeyay ee laga soo qaado Kismaayo
Sawiradan waa sawiradii ugu horeeyay ee laga soo qaado magaalada Kismaayo kadib markii ay isaga baxeen kooxda Al Shabaab. Waxaa hadda magaalada gacanta si buuxda ugu haya ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida.
Jawiga magaalada aad ayuu u degan yahay. Intii aysan soo gelin ciidamada waxaa ka dhacay boob balaaran oo loo geystay magaalada gaar ahaan ganacsiyada, laakiin hadda arinta aad ayay u wanaagsan tahay kadib markii ay ciidamada gudaha usoo galeen.





















