Halyey Cabdi Bile oo Minnesota uga qeybgalay orod Soomaali lacag loogu aruurinayay
Halyeyga Soomaaliyeed Cabdi Bile ayaa soo booqday gobolka Minnesota si uu uga qeyb qaato barnaamij lacag loogu aruurinayay dadka Soomaaliya ku dhibaateysan. Waxaa barnaamijka sameeyay oo casumay orodyahan Cabdi Bile, hay’ada ARC ee uu saldhigeedu yahay magaalada Minneapolis.
Cabdi Bile wuxuu u yimid in uu ka qeyb qaato orod la magac-baxay Run to Unite. Waxaa orodka si wada jir ah uga qeyb qaatay Soomaalida Minnesota iyo deriskooda Mareykanka ah. Waxaa la filayaa in lagu aruuriyo lacag gaareysa $50 kun. Waxaa $50 oo kale balanqaaday in ay bixinayaan xawaalada Dahabshiil.
Xaflada orodka waxay bilaabatay 8-dii subaxnimo. Dhowr boqol oo qof ayaa kasoo qeyb gashay xaflada orodka. Lama filayn in tiro intaa la eg ay yimaadaan xaflada waqtigaas. Tirada badan waxaa sabab looga dhigay imaashaha halyey Cabdi Bile.
Orodka waxaa ka qeyb qaatay caruur, dhalinyaro iyo waayeelba. Dadka aad ayay ugu faraxsanaayeen in ay kasoo qeyb galaan xaflada. Waxay kaloo ku faraxsanaayeen in ay arkaan Cabdi Bile. Orodyahan Cabdi Bile waa ciyaartoygii ugu horeeyay uguna dambeeyay ilaa iyo hadda ee matala Soomaaliya ee ku guuleysta bilada dahabka ah.
Waqtigan lagu jiro waa waqti ay Soomaalida u dhibaateysan yihiin xag walba. Waxaa la oronkaraa waa waqti ay jirto kala qeyb sanaan fool xun. Cabdi Bile waxaan oronkarnaa in uu yahay shaqsiga kaliya ee qadarintiisa iyo jacaylkiisaba ay ka siman yihiin Soomaalida oo dhan.





















