Saturday, May 25, 2013
   
Text Size

Soomaalida Minnesota iyo hay'adaha amaanka oo wada kulmay

Kulan ay soo qabanqaabiyeen Homeland Security xafiiskooda Civil Rights and Civil Liberties iyo jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa ka dhacay magaalada St. paul. Waxaa kasoo qeybgalay hay’adaha kala duwan ee amaanka sida FBI, US Customas & Border Protection, Minneapolis Police, iyo St. Paul Police.

Soomaalida waxay dhibaatooyin ka sheegteen airporada Mareykanka gaar ahaan airporka Minneapolis/St.paul airport. Waxay tilmaameen in si gaar ah loo baaro Soomaalida marka ay dhoofayaan iyo marka ay dib ugu soo laabtaan Minnesota.

Waxay ku taliyeen in shaqaale Soomaali ah laga shaqaaleeyo airporada maadaama ay yaqaanaan dhaqanka Soomaalida. Nin ka socday US Custom-ka ayaa balanqaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka jira ee ay sheegteen Soomaalida.

Kulankan 3-dii biloodba marbaa la qabtaa. Waxaa shir gudoomiya Abdirizak Farah oo ah sarkaal u shaqeeya Homeland Security. Waxaa loogu tala galay in looga hadlo waxna looga qabto dhibaatooyinka haysta jaaliyada.

Shirkan waxaa kasoo qeybgalay marti ka timid wadanka Ingiriiska oo ka tirsan dowlada Ingiriiska. Waxay ka kala socdeen wasaarada arimaha gudaha iyo wasaarada arimaha dibada. Waxay u yimaadeen in ay darsaan Soomaalida Minnesota.

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg