Monday, May 20, 2013
   
Text Size

Fasalka Af-Soomaaliga ee South High School


Oktoobar 30, 2012 ayaa waxaa soo booqday Dugsiga Sare ee South High

Xuseen Samatar- Xubin Guddoonka Waxbarashada Dugsiyada Dadweynaha

Minneapolis, Dr. Barnadeia Johnson Kormeeraha Guud ee DDM, Dr. Saeed

Fahia- Fuliye sare ee Isu-tagga Bulshadada Soomaaliyeed Minnesota,

Mohamed Abuukar, Guddoomiyaha Bulshada Banaadiriga ah, Maxamed

Maxamuud, Guddoomiyaha Ururka Waalika Soomaalida Maraykanka ah ee

Minnesota.

Ugu horrayntii Xuseen Samatar ayaa qeexay dadaalka iyo hawlaha loo soo

galay ku dhigidda Luqadda Af-Soomaaliga Dugsi sare Magnet ah, wuxuuna

tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo dhallinyaro Soomaaliyeed

oo iyagu diyaar u ah inay bartaan Hiddaha, dhaqanka iyo afkooda hooyo, isla

markaasna ay u gudbiyaan jiilka soo koraya. Xuseen Samatar ayaa si gaar

ah ugu mahad-celiyey Dahir Xasan oo isagu muujiyey dadaal & karti hagar

la’aan ah. “Mar walba waa habboon tahay in la barto luqad labaad, waxaase

muhiima inaad horta taqaan kii aad u dhalatay” ayuu ardayda ku yiri

Xuseen gabagabadii hadalka.

Dr. Bernadeia Johnson, Kormeeraha Guud ee DDM ayaa tiri, “waxaan

filayey inaan la kulmayo labo ama saddex arday oo qura, waxaanse arkaa

fasalka oo buuxa iyo sida ay ardaydu diyaarka ugu yihiin barashada luqadda

iyo afkooda hooyo”. Dhabtii waa arrin loo riyaaqo, waxaanan rajeynaynaa

inaan marar dambe isku soo noqono si aan u arko bal hadba halka hawshani

ku dambayso. Dr. Bernadeia ayaa tilmaantay in muddo ah ay dhegaheeeda

ku soo dhacayeen codsiyo waalid iyo xubnaha degmada ee tilmaamayey

dhigidda luqadda Soomaaliyeed, isla markaasna u mahad celisay maamulka

Dugsiga Sare South High, gaar ahaan macallinka isagu fasalka ardayda wax

ku bara oo dar dargaliyey habka dhigista Af Soomaaliga.

Ugu dambayntii Dahir Salad Xasan, Baraha fasalka Soomaaliga South High

ayaa bixiyey cashar gaaban oo la xiriira “caanaha” sida reer miyigu subagga

uga lulaan iyo guud ahaan siyaabaha kala duwan ee reer guuraagu caanaha

uga anfacsadaan. “Labadii maalmood ee fasalka ugu horreeyey, waxaa ii

yimid saddex arday”, hase yeeshee, wixii ka dambeeyey waxay noqdeen

awlaba awle keen”, “hadda waxaa labada xiso dhigta 60 arday”, in badanna

waxay ku jiraan taxane sugayaal ah, ayuu yiri Dahir. Macallinka ayaa

xusuusiyey ardayda “luqaddu waa aqoonsi, haddii aadan ku hadlinna ma

sheegan kartid luqadaasi”

Waaan u mahad celinayaa Guddoonka Waxbarashada Minneapolis, Dr.

Johnson, Xuseen Samatar iyo maamulaha South High Ceilia Sadler oo iyagu

suuragaliyey inaan dhigo fasalkan Af Soomaaliga.

Salma ayaa guddoonsiiyey Dr. Johnson maro Alindi ah ugana mahad celisay

booqasheeda iyo dhigista afka soomaaliga. Ayub ayaa sidoo kale

guddoonsiiyey Xuseen Samatar calammada Maraykanka & Soomaaliya

ugana mahad celiyey dadaalka uu u soo galay dhigista afka hooyo.

Munaasbaddaasi booqashada oo fasalku la ciir ciirayey hiddaha iyo

dhaqanka Soomaaliyeed waxaa kale ee wafdiga Samatar & Dr. Johnson

weheliye Stan Alleyne- Fuliye Sare Waaxda Xiriirrada iyo Xayeysiinta,

Saciid Garaad- Waaxda Luqadaha kala duwan iyo Cabdulraxmaan Aadem-

Waaxda Xiriirrada& Xayeysiinta.

Warbaahnta Soomaaliyeed: Ilyaas Maow- Mogadishu Times, Bashe Said-

Jariiradda Soomaalida Maanta& KFAI Radio.

 


Minneapolis,

October 30, 2012

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg