Soomaalida waa dad noocee ah?
Waxaa magaalada Minneapolis soo booqatay Ifrah Magan oo PHD ka diyaarisa jaamacada Chicago University. Ifrah waxay la kulantay qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida ee degan gobolka Minnesota.
Ifrah waxay rabtaa in ay wax ka bedesho wejiga iyo magaca xun ee loo sameeyay Soomaalida. Iyada oo la kaashaneysa Soomaalida wax garadka ah gaar ahaan dhalinyarada, waxay rabtaa in dib loo soo saaro taariikhda quruxda badan ee ay lahaan jireen Soomaalida.
Waxay tilmaantay oo ay ku celcelisay in aysan dadkeeda ahayn burcad-badeed. Ifrah waxay dadkii dhageysanayay xasuusisay in ay yihiin dad suugaanta ku fiican oo uu aduunku ku qiimeeyo. Waxay dhalinyarada kula talisay in kor loo qaado qiimaha iyo magaca Soomaalida.
Aad ayaa loogu riyaaqay war-bixintii iyo fikirkii Ifrah.





















