Minnesota oo taageertay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Farah Shirdoon
Gobolka Minnesota waxaa ka dhacay xaflad weyn oo lagu taageerayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Farah Shirdoon (Saacid). Dad aad u farabadan ayaa kasoo qeyb galay xaflada.
Xaflada waxay ahayd mid lagu taageerayay laguna dar daarmayay Ra’iisal Wasaaraha. Waxaa ka hadlay aqoonyahano, madaxda jaaliyada ee gobolka Minnesota iyo wax garad. Waxay isku raaceen dhamaantood in uu Dr. Saacid yahay shaqsi kasoo bixi kara hawsha adag ee loo dhiibay.
Waxaa lagula dar daarmay in uu noqdo hogaamiye cadaalad ah oo dadka u siman. Waxaa kale oo la tilmaamay in ay Soomaalida u ooman tahay hogaamiye ka bixiya dhibaatada ku habsatay wadanka.
Waxaa goobta ka heesay fanaaniinta Minnesota oo qaaday heeso cusub oo loogu talagalay Dr. Saacid. Waxaa kale oo goobta ka heesay fanaanka qaranka ee Axmed Cali Cigaal. Wuxuu qaaday heeso wadani ah oo wada kiciyay dadkii xaflada joogay.
Xukuumada Ra’iisal Wasaare Dr. Saacid waxay noqoneysaa xukuumadii ugu horeysay ee rasmi ah tan iyo intii ay burburtay dowladii kacaanka.


















