Nuraddin Farah oo la hadlay Soomaalida Minnesota
Qoraaga weyn ee Soomaaliyeed Nuraddin Farah ayaa magaalada Minneapolis kulan kula yeeshay qaar ka mid ah Soomaalida degan gobolka. Waxaa kulanka kasoo qeyb-galay aqoonyahano Soomaaliyeed oo aqriyay buugaagta qoraaga, aadna ula dhacsan shaqadiisa.
Wejiga Nuraddin waxaa ka muuqatay farxad. Wuxuu tilmaamay in uu ku faraxsanyahay in uu la kulmo dadkiisa. Qoraaga wuxuu ka sheekeeyay taariikhdiisa oo kooban. Barnaamijka intiisii badneyd waxaa la weydiinayay su’aalo, isagana waa uu ka jawaabayay.
Taariikhdiisa waxaa si weyn uga dhex muuqday sababihii badnaa ee dhaliyay in uu noqdo qoraa. Wuxuu sheegay in uu luqada Ingiriiska ee uu wax ku qoro bartay isaga oo yar. Wuxuu tilmaamay in uu aabbihiis u shaqeyn jiray Ingiriiska waqtigii ay Soomaaliya gumeysan jireen.
Dhalinyaro badan oo wax qorta ayaa joogtay kulanka. Waxay aad u qiimeynayeen in ay macluumaad u fududeynaya qoraalada ka helaan Nuraddin Farah. Wuxuu u sheegay in ay muhiim tahay in ay aad wax u aqriyaan inta aysan qoraalka bilaabin. Wuxuu tilmaamay in uu aqrisku u fududeynayo qoraalka.
Wuxuu ka sheekeeyay markuu yaraa. Walaalkiis ka weyn, ayaa wuxuu lacag ku siin jiray in uu aqriyo buugaagta kuwooda ugu waaweyn. Wuxuu Soomaalida u sheegay in ay wax qoraan. Wuxuu tilmaamay in uu la yaabanyahay in aysan jirin Soomaali badan oo wax qorta inkastoo ay yihiin dad aad u sheeko badan.
Soomaalida Minnesota wuxuu kula taliyay in ay wax bartaan oo ka faa’iideystaan fursada ay America ku haystaan. Wuxuu dadkii kulanka yimid u sheegay haddii ay wax ku bartaan America in uu ka faa’iidayo Soomaali walba. Wuxuu xasuusiyay in yahuuda yar ee joogta America ay ka faa’iideyn yuhuuda joogta Israel. Aad ayaa loogu riyaaqay haddaladii qoraaga.
Nuraddin Farah waa qoraa aduunka si weyn looga yaqaano loogana qiimeeyo. Wuxuu qoray 10 buug. Wuxuu kaloo qoray qoraalo iyo ruwaayado farabadan. Wuxuu ku guuleystay abaalmarino caalami ah. Qoraaladiisa intooda badan waxay ka hadlaan Soomaaliya iyo Soomaalida inkastoo aanan lagu qorin afka Soomaaliga.
Nuraddin Farah wuxuu diiday in la daabaco ruwaayadihii uu qoray. Wuxuu sheegay in ruwaayadihiisa la daabici karo marka laga dhigo Muqdisho gudaheeda.
Waxaan rajeynayaa in Nuraddin cimrigiisa gaarsiiyo oo uu Muqdisho ku daawado ruwaayadiisa.





















