Tuesday, May 21, 2013
   
Text Size

Nin sameeyay qiyaamo aanan hore loo sameyn


Ukraine waxay gaaska ka qaataan Ruushka. Intii ay heshiiska ku jireen, dhowr jeer ayuu gaaska kor u kacay. Ukraine arintaas waa ka xanaaqday. Is qab qabsigooda wuxuu gaaray heer caalami ah.

Kor u kicida gaaska waxay Ukraine ku macneeyeen in iyaga lagu ciqaabayo. Ukraine waxay codsadeen in ay ka mid noqdaan union-ka Yurub. Ruushka arintaas waa ka soo horjeedaa.

Ukraine waxay hadda heshay shirkad Spain ah oo gaaska ku siineysa lacag aad uga jaban tii Ruushka. Reer Ukraine aad ayay ugu farxeen in ay helaan gaaskan jaban. Waxay kaloo ku farxeen in ay mar ka baxaan gacanta Ruushka.

Maalintii heshiiska la kala saxiixanayay, live ayaa looga soo daayay Ukraine. Culeyska uu lahaa heshiiska waxaa laga garanayay waxaa Ukraine u saxiixay oo joogay Ra’iisal Wasaaraha Ukraine, dhanka shirkada Spaina waxaa u saxiixay nin la yiraahdo Jordi Bonfehi.

Cilad yar ayaa dhacday. Markii heshiiska la shaaciyay oo dunida loo sheegay, oo Ruushka lagu yiri ka dabaalo saaxiib, ayaa waxaa soo hadashay shirkadii Spain. Waxay yiraahdeen ma naqaano sheekadan aad wadaan. Waxay tilmaameen in aysan jirin wax heshiis ah oo ay la saxiixdeen Ukraine.

Sheekada haddii lasoo gaabiyo, Ukraine waxay ogaatay ninkii la saxiixday heshiiska gaaska raqiiska ah oo ay la fariisiyeen Ra’iisal Wasaarahooda, live-na looga daawanayay Ukraine in uu ahaa tuug aanan weligiis u shaqeyn shirkadaas.

Waxaa la sheegay in madaxweynaha Ruushka Putin uu u qoslay si uusan weligiis u qoslin.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg