Saturday, May 18, 2013
   
Text Size

Nin Masaajid laga saaray isagoo tukanaya


Magaalada Minneapolis waxaa ka hawl-gala Police Soomaali ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan meel isugu imaanay qaar ka mid ah dhalinyarada Police-ka ah. Waxaan weydiiyay wixii ugu yaabka badnaa ee ay la kulmaan intii ay Police-ka ahaayeen.

Officerada mid ka mid ah ayaa qoslay. Waqti dheer kama uusan fikirin. Wuxuu markiiba ii sheegay in maalin maalmaha ka mid ah uu call ka yimid masaajid ku yaala Cedar. Xaafada Cedar waa meesha ay degan yihiin Soomaalida ugu badan gobolka Minnesota.

Maamulka masaajidka ayaa u wacday Police-ka. Waxay rabaan in masaajidka laga saaro nin ku tukada. Officer-ka wuxuu ii sheegay in uu la yaabay arintaas. Sida aan wada ogsoonahay inta badan ma dhacdo in masaajidka laga saaro dad ku tukanaya.

Masaajidada waa guriga Ilaahey, waxaana yimaada qof walba, Muslim iyo kuwo aanan muslimba ahayn. Waxaa yimaada mararka qaar dad ay la tagtay hawo aduun oo ka leexday wadadii, kuwo galay gangs, muqaadaraad iyo waxyaabo la mid ah.

Masaajidada dadkoo dhan ayay u furan yihiin. Waxaa isweydiin mudan muxuu haleeyay ninkaan oo keenay in askar loogu waco. Askariga wuxuu ii sheegay markii ay yimaadeen masaajidka in ay la kulmeen maamulka masaajidka oo aad u xanaaqsan.

Maamulka masaajidka waxay askartii u sheegeen in uu masaajidka ku jiro nin markii salaada la tukanayo u jeesta dhanka kale. Wuxuu ka jeestaa dhanka jameecada, wuxuuna u jeesta dhanka ay ku tukanayaan dumarka.

Raga iyo dumarka waxaa u dhexeeya daah qafiif ah oo la iska arki karo. Waqtiyo badan ayay dumarka ka dacwoodeen ninkan kusoo jeesta. Maamulka waxay isku dayeen in ay la hadlaan ninkan laakiin waa xalin waayeen arintan.

Markii askartii loo sheegay waxa dhacay waa rumeysan waayeen. Ninka wuxuu ahaa nin si fiican u labisan oo aanan u ekayn qof madaxa looga jiro. Waxay bilaabeen in ay isagana wareystaan sida ay wax u dhaceen. Wuxuu ku yiri waa runtood oo waxaan u jeestaa dhanka kabcada ay xigto meehee dhanka kale. Wuxuu tilmaamay in ay jiraan dad badan oo aaminsan wuxuu isaga rumeysan yahay.

Askartii markii ay ogaadeen arinta meesha ay marayso ayay ninkii ka saareen masaajidka, waxayna u sheegeen in uusan mardambe kusoo noqon karin.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg