Nin Taksigiisa looga tagay $1.1 million

Nin taksiile ka ah Singapore ayaa taksigiisa ka helay bac ay ku jirto $1.1 million. Waxaa uga tagay nin iyo xaaskiisa oo booqasho ku joogay Singapore.
Isaga oo aanan lacagta xisaabin ayuu bacdii u geeyay shirkadii uu u shaqeynayay. Ninkii lacagta lahaa markii uu soo wacay shirkada waxaa loo sheegay in loo hayo lacagtiisa.
Markii la weydiiyay taksiilaha sababta uu lacagta usoo celiyay wuxuu ku jawaabay “lacagtan ma’aha mid aan aniga leeyahay”. Isla shirkadan ninkale ayaa taksigiisa looga tagay dahab u dhigma $377 kun. Sidaas oo kale ayuu taksiilihii usoo celiyay.
Waxaan inta badan maqlaa Soomaali taksiilayaal ka ah Minneapolis oo ka sheeganaya in uu ganacsiga taksiga hoos u dhacay. Waxay ka wada hadlaan meelaha taksiga lacagta laga sameeyo si ay taksi uga wadaan. Xitaa waxaan maqlay rag ka wada hadlaya Hawaii.
Aniga waxaan leeyahay ka warama Singapore.





















