Tuesday, May 21, 2013
   
Text Size

Guriga ugu qaalisan aduunka


Maal-qabeen u dhashay wadanka India ayaa dhistay guriga ugu qaalisan aduunka. Guriga waxaa lagu dhisay lacag u dhexeysa $1 billion ilaa iyo $2 oo dollar. Waa 27 dabaq wuxuuna ku yaalaa magaalada caanka ah ee Mumbai.

Ninka gurigaan dhistay waxaa la yiraahdaa Mukesh Ambani waana ninka ugu qanisan wadanka India. Wuxuu kaloo leeyahay guri 14 dabaq ah oo isna ku yaala Mumbai.

27-Da dabaq waxay ka kooban yihiin;

4 Dabaq waxaa degan isaga, xaaskiisa, 3-diisa caruur iyo hooyadiis.

Hal dabaq waxaa lagu fiirsadaa filimada. Waxaa markiiba fariisan karta 50 qofood.

Hal dabaq waa garaash baabuurta lagu sameeyo.

6 Dabaq waa parking baabuurta la dhigto. Waxaa la dhigi karaa 168 baabuur.

Dabaqa sare waxaa ku yaala qol laga hago helicopterada iyo 3 meel oo ay kusoo dagaan.

3 dabaq waxaa lagu beeray flowers waxaana loogu tala-galay in la fariisto oo lagu sheekeysto.

2 Dabaq oo ka mid ah waxaa loogu tala-galay in lagu exercise-gareeyo.

Hal dabaq waa isbitaal.

2 Dabaq waxaa loogu tala-galay martida.

Ninka gurigan dhistay markuu yaraa, wuxuu labo qol oo yar yar la deganaa aabihiis, hooyadiis, walaalkiis iyo labo gabdhood oo la dhalatay. Lacagta uu heysto waxaa lagu qiyaasay $27 billion.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg