Qalab casri ah oo Soomaaliya loogu deeqay

Xafiiska United Nation-ka u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa qalab casri ah ugu deeqay Wasaarada Warfaafinta ee Soomaaliya. Waxaa qalabka gudoonsiiyay oo keenay madaxa xafiiska siyaasada ee United Nationka ee Soomaaliya Augustine Mahiga.
Waxaa qalabka ka gudoomay Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Col. Cabdullahi Ciilmooge. Waxaa la filayaa in qalabkan uu wax badan ka badali doono qaabka ay wararka u tabiyaan shaqaalaha warfaafinta. Waxaa kaloo la filayaa in ay u fududaan doonto shaqadooda.
Col. Cabdullahi Ciilmooge waa wasiirkii ugu horeeyay oo madax u noqda wasaarada warfaafinta iyo isgaarsiinta oo aanan ahayn ku meelgaar mudo ka badan 20 sano. Wasiirka wuxuu mudo dheer deganaa gobolka Minnesota.


























