Thursday, May 23, 2013
   
Text Size

Bandhig sawireed lagu qabtay Minneapolis

Waxaa magaalada Minneapolis lagu qabtay bandhig sawireed. Sawirada waxaa soo bandhigay oo qaadayna sawir-qaade Maxamed Bare oo degan gobolka Minnesota.

Sawirada intooda badan waxaa laga soo qaaday ganacsiyada ay Soomaalida ku leeyihiin magaalada Minneapolis. Sawirada darbiga ku dheganaa ee la daawanayay waxaa wehliyay bug sawiro ah oo aad u qurux badan.

Dad badan ayaa imaaday bandhig sawireedka, intooda badan waxay ahaayeen Mareykan. Joornaalka ugu weyn gobolka Minnesota ee Star Tribune ayaa laga sheegay bandhigan laguna wareystay Maxamed Bare.

Maxamed oo aan wareysi gaaban la yeeshay ayaa ii sheegay sababta uu u sameeyay bandhigan. Wuxuu tilmaamay in uu rabo in uu Mareykanka tuso in Soomaalida ay yihiin dad ganacsiga ku fiican oo shaqeysta. Dhalinyarada Soomaalidana in ay arkaan sawiradan 50 sano 60 sano ka dib marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen dadkoodii ugu soo horeeyay Minnesota.

Bandhigan waa kii labaad ee uu Maxamed qabto.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg