Saturday, May 18, 2013
   
Text Size

Waxaad uga baahan tahay inaad ka ogaato Xiiqdheerta (Pertussis)

Habeen kale oo riiraxyo badan. Hooyo ayaa soojeedda, iyada oo dhageysaneysa qufaca ilmaheeda markaana isku deyeysa inay caawiso. Welwel awgeed ayayna seexan doonin caawa. Afartii habeen ee la soo dhaafay, ayay ilmaheeda dhibaato ka haysatay wax cunista, cabbitaanka iyo seexashadaba qufac ba’an awgeed. Berrito, iyada waa u maalin kale oo shaqo ka-baaqasho ah si ay isaga u daryeesho. Waxayna ka yaabban tahay goorta ay dhammaan doonto. Iyaduna wey daashay,ilmaheeduna si xun ayuu dareemayaa. Nasiib darro, dhammaadku hore uma yimaad sabata oo qufacan ah xiiqdheer, waxa kale oo loo yaqaan “qufaca 100ka-maalmood” sababtuna muddada dheer ee uu dadka hayo awgeed.

Xiiqdheerta –kix am qixi – waa cudur neefsi daran oo aad la isku qabadsiiyo, sababi karana qufac dheer, oo xoog riiraxyo u leh oo astaanta codka “bowda” ah ayaa ku xiga markuu neefsashadu dhib ku noqoneyso. Qof kasta il-darnnaan ayey ka dhigtaa, laakiinse dhallaanka sabiga ahi wey ku dhiman karaan. Kaiya sannadkan, in ka badan 3,500 dadka Minnesota ayaa laga helay xiiqdheerta.

Nasiib wanaag, waxa jira tallaalo ka hortaga xiiqdheerta. Waaxda Caafimaadka Minnesota (MDH) ayaa ku talineysa dhallaanka sabiga iyo carruurta inay qaataan tallaalka carruurnimada ee wata kahortagga xiiqdheerta, gawaractada iyo teetanada (DTaP) da’aha 2 bilood, 4 bilood, 6 bilood, iyo da’da 15ka illaa 18ka bilood. Qiyaas xoojin tallaal DTaP ayaa la siiyaa markay yihiin da’aha 4 illaa 6 sano.

Maadaama kahortagga DTaP xilli ahaan uu sii yaraanayo, MDH ayaa ku talineysa qiyaas kale tallaalka xiiqdheerta, ee loo yaqaan Tdap, looguna talagalay dhallinta aan qaangaarin (ugu habboon 10-12 sannadood) iyo dadka qaangaarka ahba. Dadka aan qaadan Tdap kahor dhowr iyo toban jirkoodii ayaa hadda u baahan inay qaataan qiyaas. Iyaga oo is badbaadinaya, ayay carruurta waaweyn iyo dadka qaangaarka ahi u abuuri karaan badbaado ku hareersan noloshooda dhallaanka laga yaabo aadka uga yar in tallaalak DTaP u badbaadiyo.

Tallaallada xiiqdheerta ayaa aad wax ku ool u leh, laakiinse sida tallaallada dhammaantood oo kale, ayaa 100% wax ku ool u lahayn. Cudurku wali wuu kugu dhici karaa xitaa haddii lagaa tallaalayba. Waliba, badiyaa xiiqdheerta ayaan la garan maadaama ay sida caadiga ku bilaabanto calaamado durayga-oo-kale ah, laakiin noqon kara riiraxyo qufac taxane ah oo socda toddobaadyo ama bilo. Nasiib darrose, qofka ayaa laga yaabaa inuuna xitaa ogeyn inuu leeyahay xiiqdheerta oo isaga ama iyada oo aan garanayn u gudbiya cudurka dadka kale, ee ay ka midka yihiin dhallaanku.

Haddii uu dhakhtar uga shikiyo inuu yahay xiiqdheer, tijaabo ayaa la samayn doonaa si loo xaqiijiyo cudurka. Haddii cudurka horay loo garto, antibayootik ayaa la siin doonaa si loo naaquso darnnaanta calaamadaha iyo in laga hortago u gudbinta. Haddii aad u maleyneyso in qufacaaga ama ka ilmahaaga ee aan tageyni u yahay xiiqdheer, waa muhiim inaad u sheegto dhakhtar inaad ka ag dhawaan doonto ilmo sabi ah. Haddii aad u

maleyso inuu ilmahaagu qabo xiiqdheer, isla markaaba u gee dhakhtar. Mararka qaarkood ayaanu ilmaha dhasha ahi yeelan doonin qufaca ama codka xiiqda ee lagu yaqaan, markaa u feejignow neefsi ku adkaan kasta.

Si wax dheeraad ah aad uga ogaato, booqo degelka xiiqdheerta ee ku taal www.health.state.mn.us/pertussis. Waxa kale oo aad macluumaad ka heli kartaa Xarumaha KahHortagga iyo Maamulka Cudurrada (CDC) ee Maraykanka www.cdc.gov/pertussis ama 1-800-CDC-INFO.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg