Qarax Muqdisho ka dhacay

Nin wata baabuur ay ka buuxan waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay magaalada Muqdisho. Kaligiis ayaa ku dhintay qaraxa. Labo qof oo wadada mareysay waqtigii uu qaraxa dhacay ayaa ku dhaawacmay.
Waxaa la tilmaamay in uu ninka rabay in uu isku qarxiyo baabuur wadada mareysay oo ay wateen Amisom. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa, laakiin waxaa loo malaynayaa in ay ka dambeeyaan Al Shabaab.























