Yuu qoriga u wataa?
Sawiradan markaad aragto waxaad is weydiineysaa ninkan hostage-ka caruurta u heysto wuxuu rabaa, ma lacag buu rabaa, dad laga heysto muu ku madax furanayaa caruurta. Maya maya maya, intaasba ma aha ee waa sida hadda xaalada Soomaaliya tahay. Dugsigii quraanka ayaa sidaan isku badalay.
Waxaa bilaabatay in la dilo macallimiintii dugsiyada. Macallinkan wuxuu qoriga iskaga ilaalinayaa Al Shabaab. Sawiradan waxaa laga soo qaaday magaalada Dhuusa-mareeb. Dagaalo farabadan ayaa ka dhacay Dhuusa-mareeb oo u dhexeeyo Ahlusuna iyo Al Shabaab.
Ninkii caruurta ku laayay iskoolkii ku yaalay Mareykanka hadduu dugsigaan iman lahaa, waxaan filayaa in ay xaaladiisa weji kale yeelan lahayd.





















