Soomaalida Minnesota oo u soo gurmaday urur wax badan usoo qabtay
Confederation of Somali Community in Minnesota ayaa laga asaasay gobolkan Minnesota sannadkii 1994tii, Ururka ayaa waxaa sameeyey waxgarad Soomaaliyeed oo xeerinayey sidii adeegyo loogu samayn lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo gobollada ku dhow dhow. CSCM waa Ururka ugu fac weyn Ururrada Soomaaliyeed ee ka jira Gobolka Minnesota iyo guud ahaan dalka Maraykanka oo idil, waxaana lagu magacaabaa gundhigii ama hooyadii Ururrada Soomaaliyeed ee jira ay ka wada farcameen.
CSCM ayaa uga adeega Ummadda Soomaaliyeed dhinacayada agabyada & adeegyada bulshada, caafimaadka, Sharciga, dhallinyarada, Maxkamadaa, isboortiga, waxbarashada, isku xirka dalkan iyo dalkeenni Soomaaliyeed isla markaasna ah Safaaradda Soomaaliyeed iyo astaanta ay dawladda iyo hay’adaha heer qaran, gobolka iyo degmo ay kala soo xiriiraan ummadda Soomaaliyeed. Ururka ayaa sidoo kale bud-dhige u ah dhammaan waxqabadyada Soomaalida ee dalkan iyo keenniiba, isla markaasna xiriiriya guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
CSCM ayaa u khidmaynayey Ummadda Soomaaliyeed 18 sano,isla markaasna aan hadda ka hor marna Ummadda Soomaaliyeed waxba weydiisan adeeg uu u qabto mooyee.
Sannadihii la soo dhaafay, waxaa ururka soo food saaray dhaqaale xumo ka timid maal galintii uu ururku ka heli jiray dawladda iyo Ururrada kale ee kaaba ururrada bulshada ee kala noocyo badan. Taasu waxay dhalisay in hadda ururka Golihiisa Guddoonka (board of Directors) ay soo jeediyeen in ururka lagu biiriyo ururro kale oo uu hoos yimaado amaba albaabada loo xiro haddii aanu isbixin Karin.
Waxgaad Soomaaliyeed ayaa arrintaasi ka danqaday,isla markaasna sameeyey is-xilqaan sidii loo baruurin lahaa Ummadda Soomaaliyeed isla markaasna loo samata bixin lahaa CSCM. Diseembar 5, 2012 ayaa lagu qabtay shirweyne Brian Coyle Center loogu yaboohayo deeq maal ururin. Maantay oo 70,000 oo Soomaaliya lagu qiyaasay inay Minnesota ku nool yihiin, waxaa habboon in bulshada Soomaaliyeed is xilqaanto isla markaasna ay ururkooda CSCM ka samata bixiyaan dhaqaale xumida iyo in albaabada loo xiro. Isla markaasna ra’yigooda ka dhiibtaan sidii loo dar dar gelin lahaa din u soo noolaynta CSCM. Haddii ay idinla noqoto waxaad ururka CSCM ku caawini kataa dhawr siyaabood:
· Waxaad bixin kartaa tabarrucaad hal mar ah intii awooda ah
· Waxaad isu diiwaan gelin kartaa xubin firfircoon oo bilwalba bixiya/biixisa $20, $15, $10, $5 hadba kii kaa go’a oo aad ku bixin karto bil walba ama haddii aad awoodo sannadkiiba la mar bixin kara ood isna diiwaan geliya.
· Waxaad ku caawini kartaa CSCM adigoo xooggaaga tabarrucaad ku sameeya oo bulshadaada u khidmeeya.
· adigoo ku kaalmaynaya codkaaga isla markaasna ururka ku taageerto inaad ka qay qaadato uruurinta tabarrcaadka,isla markaasna gaarsiiso asxaabtaada, qoyskaaga iyo deriskaaga
· Ururka ayaa leh 503c ahna Urur Aan Faa’iido doon ahayn, haddii ay kula tahayna wixii aad ugu deeqdo waxaad ku xaraysan kartaa canshuur celintaada (income Tax Return).
Waxaan ildan ilaahay ka rajeynayaa Ummadda Soomaaliyeed inay maanta u istaagaan oo ay Uurka CSCM ka samata bixiyaan xaaladda dhaqaale xumo ee haysata, isla markaasna ayan oggolaan in la xiro astaanta ugu weyn ee lagu yaqaanno Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota waa CSCM.
“GACMO WADAJIR BAY WAX KU GOOYAAN”
“PLEASE SAVE CSCM’S FUTURE FOR THE SAKE OF OUR CHILDREN, FAMILIES AND AS WELL AS OUR SOLE IDENTITY IN MINNESOTA”
By Abdulrahman Adem





















