Ciidamada ka hortaagan Al Shabaab in ay qabsadan gobolada dhexe
Ciidamadan waa ciidamada Al Shabaab ka hortaagan in ay gacanta u gasho magaalada Dhuusa-mareeb iyo gobolada dhexe. Ciidamadan waa ciidamada Ahlusuna.
10 Jeer ka badan ayay Al Shabaab isku dayeen in ay dagaal ku qabsadaan Dhuusa-mareeb. Meel walba ayay iskaga yimaadeen si ay u qabsadaan magaaladan. Dagaaladii ay soo qaadeen waa lagu jabiyay dhamaantood.
Mar dhaw dagaal kama dhicin magaaladan. Waxaa loo malaynayaa in ay Al Shabaab ka quusteen magaaladan iyo kuwo kale oo badan. Raga quusiyay waa raga aad hadda sawirada ku aragtaan. Waa ciidamadii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo aysan cid kale ka dhinac dagaalamayn oo dagaal ka fool ah, uga adkaaday Al Shabaab in ka badan 10 jeer.

























