Jeeg half billion dollar ah oo darbigan looga tagay
Darbiga ay ku cibaadeystaan Yuhuuda ee ku yaala Jerusalem ayaa la geliyay oo looga tagay 500 oo jeeg oo uu kiiba yahay $1 oo dollar. Lama garanayo cida gelisay.
Dad badan ayaa derbiga warqado geliya oo ay ku jiraan Yuhuuda iyo madaxda Mareykanka marka ay booqdaan Jerusalem. Jeegaga intooda badan waxay ahaayeen jeegag bangiyada Nigeria ah.
Nin ka shaqeeya darbiga ayaa sheegay in aysan ahayn wax cusub in jeegag looga tago darbiga. Wuxuu tilmaamay in jeegagii ka horeeyay markii la damcay in la sarifto lagu soo celiyay oo lacagtii laga waayay.
Wuxuu kaloo sheegay ninkan in dadka jeegaga qoro intooda badan ay yihiin African.























