Doorka ay dumarka ku leeyihiin dib u dhiska wadanka
Waxaa xalay magaalada Minneapolis ka dhacay kulan looga hadlayay kaalinta ay dumarka Soomaaliyeed ku leeyihiin dib u dhiska wadanka. Waxaa kulanka shir gudoomineysay Fardowsa Jaamac Yuusuf oo ah gabar u ol oleysa arimaha dumarka iyo caruurta Soomaaliyeed. Fardowso waa xaaska wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee Soomaaliya Col. Cabdullahi Ciilmooge.
Aqoonyahano badan ayaa kasoo qeyb galay xaflada. Dumarkii iyo ragii ka hadlay kulanka waxay dhamaantood isku raaceen in ay muhiim tahay in dumarka Soomaaliyeed ay qeyb libaax ka qaadan karaan nabadeynta iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Waxaa la tilmaamay in 20-kii sano ee ay socdeen dagaalada sokeeye ee lagu hoobtay in ay dumarka Soomaaliyeed badbaadiyeen dadka. Dhamaan dadkii hadlay waxay Soomaalida ugu baaqeen meel walba oo ay joogaan in la taageero dowlada cusub ee dhalatay. Waxay kaloo ku baaqeen in laga qeyb qaato dib u dhiska wadanka.
Fardowso oo aan wareysi gaaban la yeeshay ayaa ii sheegtay marka ay Muqdisho tagto in markiiba ay bilaabi doonto hawlo lagu hormarinayo amaanka iyo dib u dhiska wadanka. Waxay ii sheegtay in waqtigeeda inta ka dhiman ay u huri doonto dib u dhiska wadankeeda.
Fardowsa waxaa la gudoonsiiyay abaalmarino. 15 Sano ayay bilaash ugu shaqeysay ururka Somali Confederation oo ah urur ay leeyihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota. Dr. Siciid Faahiye oo ah madaxa ururka ayaa gudiinsiiyay abaalmarinta. Wuxuu Siciid Fardowsa ku tilmaamay in ay tahay gabar jecel dadkeeda. Ururka Somali Parents Association ayaa iyaga gudoonsiiyay abaalmarin. Waxaa lagu siiyay doorka ay ka qaadatay waxbarashada caruurta Soomaaliyeed.























