Ma qiyaasi kartaa dadka xabadaha ku dhinta Mareykanka sanad walba?
Ma jiro qof aanan ogeyn in magaalooyinka iyo tuulooyinka Mareykanka la isku dilo maalin walba. Waxaan kaloo ognahay in iskooladii caruurta xitaa laga leexan waayay. Isbuuc iyo bar ka hor, ninbaa galay iskool ay dhigtaan caruur yar yar. Wuxuu dilay 20 arday oo intooda badan ahaa 1st grade, dadoodana ay ahayd intooda badan 6 sano. Dad badan baa ka naxay oo qaracmay. Haddii aad ogaato dadka Mareykanka ku dhinta qoryaha iyo ganacsiga qoryaha, lama yaabi doontid xaaladahan.
Mareykanka waxaa ku yaala 14 kun oo maqaayo oo McDonald ah. Grocery-ada cuntada iyo sigaarka laga gato ee ku yaala meel walba waxay gaarayaan 36 kun. Ma qiyaasi kartaa tirada dukaamada hubka lagu gado Mareykanka? Haddii ay qiyaastaada tahay 130 kun oo dukaan, ishaad ka riday.
Qoryaha Mareykanka lagu sameeyo laguna gado waxay gaarayaan 5,459,240, waa shan milyan afar boqol iyo 59 qori. Waxaa dibada uga yimaada qoryo lagu qiyaasay 3,252,404. Qoryaha aan ka hadlayo oo markii la isku daro 9-ka milyan gaaraya maaha kuwii Afgooye ee is tunka. Kuwaan dad baa ku dhinta. Su’aasha mudan in la is weydiiyo ayaa ah tirada dadka ku dhinta qoryahan waa meeqa?
Inta aanan jawaabta su’aashaas u gelin, su’aal kale ayaan ka jawaabayaa oo muhiim ah. Meeqo qof ayay xabad ku dhacdaa Mareykanka, ama ha disho ama ha dhaawacdo? 100 kun oo qof ayay xabad ku dhacdaa Mareykanka sanad walba. 32 Kun oo dadkaas ka mid ah ayaa sanad walba u dhinta. Tiradan waxaanan ku jirin dadka u dhinta xabada sanadwalba ee lagu qeexay dil sharciyeysan sida dadka ay dilaan Police-ka oo aad u badan.
Marka aad sheekadan maqasho kaama nixineyso oo kaliya ee waxaad bilaabaysaa in aad boorsooyinka xir xirato oo aad ka fikirto meel nabad ah. Waxaa kuu soo baxaayo in Mareykanka uu ka socdo civil war aanan la dooneyn in lagu dhawaaqo.
Qoryaha dadka laga gado waa nooc walba. Waxaa ku jira qoryaha waa weyn ee ay ciidamada dagaalada ku galaan.


























