Wednesday, May 22, 2013
   
Text Size

Jacob Zuma: Eeyo aad isbitaalada geysaan cadaan ku noqon meysaan

Photobucket


Dad badan oo ku nool wadanka South Africa oo eeyaha dhaqda ayaa ka carooday Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma. Dad kale oo cadaan ah oo u dhashay wadanka ayaa ku tilmaamay in uu yahay cunsuri.

Madaxweynaha South Africa ayaa ka hadlay meel fagaaro ah oo ay joogaan kumanaan kun oo isaga taageersan. Wuxuu ku yiri waxaa jira dad African ah oo dhaqaaleysta eeyaha, oo isbitaalada geeya, soona lugeysiiya. Wuxuu ku tilmaamay dadkaas in ay lacag badan ku bixiyaan eeyaha si ay isaga dhigaan cadaanka.

Wuxuu madaxweynaha sheegay in dhaqankaas uusan ahayn dhaqanka africanka. Wuxuu raaciyay, haddii aad timaha wax marsato oo aad dheeraysato sidaas cadaan ku noqon meysid. Haddalka madaxweynaha dad badan baa ka carooday.

Nin u hadlay madaxweynaha ayaa ka difaacay dadkii soo weeraray. Wuxuu yiri Madaxweynaha wuxuu dadka xasuusinayay dhaqankooda. Wuxuu xasuusinayay marka ay eeyaga isbitaalka geynayaan oo lacagta ku bixinayaan in waalid xanuunsan uu guriga u joogo oo u baahan in isbitaalka la geeyo.

Wuxuu kaloo tilmaamay in dadka wadanka u badan aysan qaadan dhaqanka dadka wadanka ugu tirada yar oo ah dadka cadaanka ah.

 photo d993_zps33e549fc.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg