Gabar Soomaaliyeed oo doorasho u taagan
Waxaa xalay magaalada Minneapolis lagu qabtay xaflad lagu taageerayay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Fatuma Gedi Cali. Fatuma waxay u tartameysaa in ay Xildhibaan ka noqoto baarlamaanka Kenya. Waxay mataleysaa dumarka degan Wajeer. Doorashada waxay kasoo galeysaa deegaanka Wajeer, Kenya.
Dad badan ayaa kasoo qeyb galay xaflada lagu taageerayay Fatuma. Dadkii yimid oo goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa wax garadka, aqoonyahanada iyo dhalinyarada gobolka Minnesota. Waxaa aad looga hadlay doorka dumarka ay ku leeyihiin horumarinta bulshada. Rag iyo dumarba waxay isku raaceen in dumarka ay wax badan ka badali karaan siyaasada iyo dhaqaalaha deegaanka.
Fatuma waa gabar ay da’deedu yar tahay marka loo fiiriyo siyaasiyiinta lagu yaqaano shaqadan. Waa gabar wax baratay oo heysata shahaado ilaa heer jaamacadeed ah. Waxay hadda diyaarisaa shahaadadeeda Masters-ka. Doorashada ay Fatuma isku taagi doonto waxay dhici doontaa bisha Maarso 4-teeda 2013. Waxaa la tartami doona 3 gabdhood oo iyagana Soomaali ah.
Waxay Fatuma dadka ka codsatay in ay la hadlaan dadkooda degan Wajeer oo ay ku qanciyaan in ay iyada taageeraan oo u codeeyaan. Waxaa loo balanqaaday in ay sidaas yeeli doonaan. Dumarkii joogay kulanka ayaa aad uga maqsuuday doorashada Fatuma. Waxay tilmaameen in waqtigaan uu yahay waqtigii dumarka ay u istaagi lahaayeen xaqooda.























