Nin shahwadiisa ku deeqay oo gadaal u shalaayay
Nin degan gobolka Kansas oo lagu magacaabo William Marotta ayaa ka jawaabay codsi lagu soo qoray website-ka Craigslist ee wax lagu kala gato. Codsiga waxaa soo qortay labo naagood oo is qaba. Waxay rabeen nin ugu deeqa shafwadiisa si ay caruur ugu dhalaan.
William iyo haweenkii waxay ku heshiiyeen in uu siiyo biyahiisa laakiin uusan mas’uul ka noqon doonin cunuga dhasha. Waxay kala saxiixdeen sida caadada ah heshiis ay dumarka ku yeeshaan cunuga dhalan doona, isagana aanan wax loo soo raacan doonin isagana sidoo kale.
Naagihii mid ka mid ah ayaa isku shubtay biyihii, waxaana u dhashay cunugii ay doonayeen. Sheekada markay halkaas marayso ayaa waxaa dhacay isbadal weyn. Labadii naagood ee lesbian-ka ahaa ayaa kala tagay. Naagtii biyaha lagu shubay ee cunuga dhashay ayaa dowlada ka codsatay in lagu taageero cunuga ay dhashay.
Dowlada ma raadsan naagtii kale oo diyaarka u ahayd in ay bixiso child support-ka ee waxay raadsadeen ninkii naagaha ugu deeqay shahwadiisa. Waxaa laga rabaa in uu bixiyo lacagta child support-ka.
Sharciga Kansas ayaa dhigaya in raga ay ku deeqi karaan biyahooda. Sharciga wuxuu kaloo dhigayaa in aanan wax mas’uuliyad ah oo ku saabsan caruurta ku dhalata falkaas aanan loo soo raaci karin oo kaliya haddii uu biyaha naagta ku shubo dhaqtar. William markii uu deeqda bixiyay naagtii lesbian-ka ahayd lama aadin dhaqtar ee iyadaa isku shubtay, sidaa daraadeed Kansas uma aqoonsana in arintaas ay ahayd deeq.






















