Saturday, May 25, 2013
   
Text Size

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku soo wajahan gobolka Minnesota

Photobucket


Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya mudane Hassan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo wajahan gobolka ay Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay hadda ku sugan yihiin magaalada Washington DC, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula leeyahay madaxda sar sare ee dowlada Mareykanka.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibada Fowsiya Xaaji Adan, Wasiirka Warfaafinta Col. Cabdullahi Ciilmooge, madaxa xafiiska madaxweynaha Kamal Gutaale iyo la-taliyeyaasha madaxweynaha.

Madaxweynaha wuxuu imanayaa magaalada Minneapolis maalinta Jimcaha Jan 18. Wuxuu isla maalintaas Soomaalida Minnesota kula kulmi doonaa Minneapolis Convention Center-ka.

Madaxweynaha wuxuu magaalada Minneapolis ka anbabixi doonaa maalinta Sabtida. Inta uusan laaban wuxuu si isdaba joog ah ula kulmi doonaa jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota.

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg