Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka
Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Washington DC ayaa noo xaqiijiyay in madaxweynaha Soomaaliya Dr. Hassan Sheekh Maxamuud uu saacad ka hor la kulmay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama. Kulanka wuxuu ka dhacay White House-ka.
Kulanka waxaa madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Adan, Wasiirka Warfaafinta, boostada iyo Isgaarsiinta Col. Cabdullahi Ciilmooge iyo Chief Staff-ka madaxweynaha Soomaaliya Kamal Guutaale.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama wuxuu madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in ay ka go’an tahay taageerada dowlada Soomaaliya. Sababta uu ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya ayuu Obama ku tilmaamay in uu ku cadeynayo taageeradiisa ku wajahan dowlada Soomaaliya.
Wuxuu kaloo u sheegay madaxweynaha Soomaaliya Dr. Hassan in wixii howl ah ay dhameystiri doonto Wasiirkiisa Arimaha Dibada Hillary Clinton.






















