Saturday, May 25, 2013
   
Text Size

Madaxweynaha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Minnesota

 

Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamud ayaa booqasho ku yimid gobolka ay Soomaalida ku badan tahay ee Minnesota. Si weyn oo aanan hore loo arag ayaa loo soo dhaweeyay madaxweynaha. Dad lagu qiyaasay 5 kun oo qof ayaa soo buuxiyay hall ku yaala Minneapolis Conventionka. Ugu yaraan kun qofna waa loo diiday in ay soo galaan amaanka dartiis.

Waxaa goobta ka hadlay madaxda jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota. Waxaa kale oo ka hadlay Congressman Keith Ellison. Waxaa goobta ka heesay oo qaaday heeso cusub oo loo sameeyay madaxweynaha fanaaniinta Minnesota.

Rajo badan ayaa laga qabaa dowlada uu madaxweynaha ka yahay Dr. Hassan. Dowlada Mareykanka ayaa aqoonsatay dowlada Soomaaliya 22 sano kadib. Rajada jirta waxay ka muuqatay wejiyada Soomaalida soo buux-dhaafisay hall-ka. Madaxweynaha aad ayuu ugu farxay sidii loo soo dhaweeyay. Lama filaan ayay ku noqotay. Mar uu joogay hotelkii uu deganaa ayuu dhowr jeer tilmaamay in uu ku farxay sidii loo soo dhaweeyay.

Xiriirka soo noqday ee Mareykanka iyo Soomaaliya wuxuu sabab uga dhigay in ay ka dambeeyeen Soomaalida degan Mareykanka, wuuna uga mahadceliyay. Wuxuu madaxweynaha tilmaamay in dowlada Mareykanka ay usoo dhaweeyeen si wanaagsan. Wuxuu sheegay in loo fududeeyay wax walba oo ay rebeen.

Aqoonsiga Mareykanka ayuu ku sheegay mid furo u ah waxyaabo badan oo Soomaaliya faa’iido u leh. Madaxweynaha wuxuu dadweynaha u sheegay in Mareykanka ay safaarad ka furan doonaan Soomaaliya, sidoo kale Soomaaliyana ay safaarad ka furan doonto Washington, DC. Wuxuu kaloo sheegay in qunsuliyad Soomaaliyeed laga furi doono gobolka Minnesota.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu tilmaamay in ay Soomaalida ka faa’iideysteen waqtigii lasoo dhaafay ee dhibaatada badnaa. Wuxuu sheegay in ay Soomaalida diyaar u tahay in ay ka shaqeyso mustaqbalka wanaagsan ee la arki karo ee soo socda.

Wuxuu madaxweynaha tilmaamay in uu madaxweyne u yahay Soomaalida oo dhan. Wuxuu sheegay in been iyo dacaayad si weyn loo gaday laga fidiyay. Wuxuu cadeeyay in uusan dhihin hiiraana maamul ha sameysato, Jubbooyinkana uu isaga u sameynayo.

Madaxweynaha wuxuu Soomaalida u sheegay in ay isku tashadaan haddii ay rabaan in ay dhibaatada ka baxaan. Wuxuu tilmaamay in ciidamo iyo baarlamaan ay masruufayaan wadamo kale in aanan horumar lagu gaareyn. Wuxuu sheegay in ay diyaarin doonaan qarashka ku baxaya arimahaas dabadeedna ay lacagta bixin doonaan shacabka Soomaalida meel walba oo ay joogaan.

Aad ayaa loogu riyaaqay qudbada madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Fowsiya Xaaji Aadan iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Transportationka Col. Cabdullahi Ciilmooge.

 photo d1019_zpsd6e89ef6.jpg

 photo d957_zps95d4e5bc.jpg

 photo 418_zps00a9bdaf.jpg

 photo d980_zps364668f7.jpg

 photo d956_zps3607d2af.jpg

 photo d918_zps3d37f986.jpg

 photo d893_zps509b83f8.jpg

Photobucket

 photo d758_zps6b9a2433.jpg

 photo d771_zps51bdf753.jpg