Jadeecada: Macluumaad Muhiim ah oo Adigu aad u Baahan Tahay Inaad Ogaato Maqaalka waxa ku deeqday Barnaamijka Tallaalitaanka ee Waaxda Caafimaadka Minnesot
Waa maxay Jadeecadu?
Jadeecadu waa cudur daran oo la is qaadsiiyo sababteena u keeno fayras. Maadama dad badani ay ka tallaalan yihiin, jadeecadu kuma badana Maraykanka haatan. Hase yeeshee waxay wali ku badan tahay waddamo badan oo kale, waxana Marykanka keeni kara dad socoto ah oo aan tallaalnayn, taas oo ka dhacday Minneapolis markay ahayd gugii 2011. Iyada oo la hubsado in qof kasta la tallaalo ayaa waxtar u leh ka-hortagga jadeecada oo dillaacda.
Waa maxay calaamadaha jadeecadu?
· Qandho IYO
· Firiiric/Finan IYO
· Qufac AMA sanka oo dareera AMA indhaha oo ilmeeya/cuncuna
Calaamaduhu waxay soo baxaan hal illaa laba toddobaad kadib markay jadeecadu qofka ku dhacdo. Calaamadda ugu horraysaa badanaa waa qandho. Firiirica ayaa badiyaa soo baxa laba illaa saddex maalmood kadib marka ay qandhadu bilaabanto oo jira shan illaa lix maalmood. Firiirica ayaa ka bilaabma qoordiidka, oo u guura dhaadhaca jidhka.
Sidee bay halis u tahay jadeecadu?
Dad badan oo qaba jadeecada ayaa yeesha dhibaatooyin kale sida shubanka, infekshanka dhegaha ah iyo oofwareenka. Markarka qaarkood ayay jadeecadu keentaa caabuq maskaxeed oo horseed u noqon kara dhaawac maskaxeed joogto ah. Cilad-korodhyo ayaa ku badan carruurta ka yar da'da 5 sano iyo dadka qaan-gaarka ah ee ka weyn 20 sano. Jadeecadu waxay ku ba’nnaan kartaa dadka uu liito nidaamka difaaca jidhkoodu. Jadeecadu muddada uurka waxa ay sii kordhisaa halista dhicinta haweenayda, foosha oo soo horraysa, ama ilmaha oo ku dhasha miisaan yar. Jadeecadu waxay noqon kartaa cudur halis ah oo keena isbitaal dhigitaan ama xitaa dhimasho keeni karta.
Sidee ayay jadeecadu ku faaftaa?
Jadeecada waxa lagu faafiyaa hawada markay dadka qabaa neefsadaan oo qufacaan. Aad ayuu loo kala qaadaa. Nasiin wanaag, mar haddaad qaaddo jadeecada markale ma qaadi kartid.
Intee in le’eg ayuu qofka qaba jadeecada cudur qaadsiin leeyahay?
Qofka qaba jadeecada ayaa u gudbin kara dadka kale laga bilaabo afar maalmood kahor iyo afar maalmood kadib marka firiircu uun soo baxo.
Ka dawayn ma leedahay jadeecadu?
Maya, ma jirto ka daawayn gaar u ah jadeecada. Dadka qaba jadeecadu waxay u baahan yihiin nasasho sariir, dareere/cabitaano badan, iyo qandhada oo la xakameeyo. Waxa kale oo ay u baahan karaan in laga daaweeyo ka siidarka kale ee sida shubanka, infekshanka dhagaha, ama oofwareenka.
Haddii ilmahaagu leeyahay calaamadaha jadeecada, maxaad samayn doontaa?
Hubi inaad joogtaan guriga oo martida iska ilaaliya illaa aad dhakhtar la hadlayso ama rug caafimaad. Dhakhtarkaaga ama rugta caafimaadka ayaa kuu sheegi doona haddii aad u iman karto.
Miyay leedahay tallaal jadeecadu?
Haa. Tallaalka jadeecadu wuxu isugu jiraa jadeecada, qaamo-qaashiirka iyo jadeeco jarmalka kaasoo loo yaqaan MMR. Carruurtu waxay qaataan laba qiyaas oo tallaalka MMR ah: ka hore da'da 12 illaa 15 bilood iyo marka labaad oo ah da'da 4 illaa 6 sano. Dhammaan dadka waaweyn ee aan qaadin jadeeco ama aan tallaal jadeeco helin waa inay qaataan tallaalka MMR, gaar ahaan kuwa dhashay 1957 ama kadib. Qaar ka mid ah dadka qaan-gaarka ah (sida shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo socdaalayaashu) waa inay helaan laba qiyaas tallaal MMR ah si ay u hubiyaan badbaadadooda. Carruurta ugu yaraan 6 bilood ah ee u socdaalaya dalka dibabadiisa ayaa ah inay qaataan MMR. Kala hadal bixiyahaaga daryeel caafimaad kahor intaada socdaalin.
Haddii adiga ama ilmahaagu ay jadeecadu idinku dhacdo, maxaad samayn?
Wac dhakhtarkaaga ama rugta caafimaadka isla markiiba. Iyaga ayaa kuu sheegi doona haddii aad u baahan tahay inaad u timaad. Haddii aan lagu tallaalin, ku qaadashada irbadda MMR saddex maalmood gudahoodku soo gaadhista jadeecada waxa laga yaabaa inay kaa celiso qaadista jadeecada.





















