Aqoonsiga Mareykanka oo looga dabaaldegay Muqdisho

Isu soo bax lagu taageerayo aqoonsiga dowlada Mareykanka ay aqoonsatay dowlada Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Dad farabadan ayaa kasoo qeybgalay banaanbaxa.
Dadka waxay wateen calamada Mareykanka iyo sawirka madaxweynaha Mareykanka Barack Obama. Dowlada Mareykanka ma aqoonsaneen dowladihii ku meel gaarka ee ka horeeyay dowlada hadda jirta.
Sida la rumeysan yahay aqoonsigan wuxuu Soomaaliya u furi doonaa albaabo badan oo ay ku heli doonto dhaqaale badan.























